Saturday, July 27, 2024

Mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka oo la kordhiyay 50%

Muqdisho (Dawan)- Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan si wada jir ah u ansixiyay miisaaniyada Dowladda ee sannadka 2024, taas oo gaareysa $1.08 billion.

Miisaaniyadda cusub ee dhaqan geleysa billawga bisha Janaayo 2024, waxa ay 50% u kordhisay xildhibaanada Soomaaliya mushaarkii ay heli jireen bil kasta.

Mushaarka cusub ee Xildhibaanada

Go’aankaan ayaa yimid kadib buuq iyo gadood ay xildhibaanadu sameeyeen dhowr kulan taas oo keentay in lasii wadi waayo howshii Baarlamaanka Soomaaliya.

Wadahadal ay wada qaateen Xukuumadda iyo Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa lagu go’aamiyay in mushaarka loo kordhiyo xildhibaanada kadib markii ay in ka badan 150 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka in ay codsadeen mushaar kordhin .

Mushaarka Xildhibaanada ayaa hore u ahaa $3000, iyaga oo sidoo kale $1,100 loo siin jiray arrimaha ammaanka iyo mushaarka wadaha gaariga, taas oo isugeynta ka dhigeysa $4,100 doolar.

Mushaarka cusub ee Xidlhibaananda ayaa dhan lacag gaareysa 5,600 oo dollar taas oo u dhiganta in xildhibaan kasta loogu kordhiyay 1,500 oo dollar.

Mushaar kordhinta loo sameeyay xildhibaanada waxay ku kordhin doonta khasnadda dowladda culeys gaaraya 20 Milyan oo dollar, sannad kasta.

Qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee kor u dhaafeysa 1 bilyan oo dollar ayaa inteeda badan ku dhisan kaalmo ka timaada Beesha Caalamka, halka dakhliga ugu badan ee Dowladdana uu ku tiirsan yahay canshuurta

Dadweynaha qaar ayaa su’aalo ka keenay msuhaar kordhinta loo saameyay kaliya Xildhibaanada iyada oo aan la soo hadal qaadin in mushaarka loo kordhiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo shaqaalaha kale ee rayidka ah.

Maxaa dhici lahaa haddii aan la kordhi lahayn mushaarka?

Haddi Xukuumaddu aysan wax ka beddel ku samayn lahayn Miisaaniyadda Sanadka waxa ay ka baqday in xildhibaanadu aysan meel marin Miisaaniyadda taas oo sababi karta in gabi ahaanba ay istaagto shaqada Dowladda waxeyna ahaa lahayd markii ugu horeeysay ee ay dhacdo tillaabo nuucaan ah.

Waxa kale oo Xukuumadda soo kori lahaa culeys ugu yimaada dhanka Baarlamaanka iyo in ay ku adkaato in ay meel mariso sharciyada iyo heshiisyada ay soo gudbiso sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Ma ahan wax ku kooban xildhibaanada Soomaaliya in la dalbado mushaar kordhin ee waa arrin jirta in xildhibaanada ama madaxda sare ee dalalka dunidu dalbadaan in loo kordhiyo mushaarka ay qaataan balse waxa ay su’aashu tahay goorma iyo sidee ayay u dalbadaan?

Golaha Shacabka

Tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka waa 275 waxa ayna metelaan Shacbka Soomaaliyeed iyaga oo u qeybsan habka awood qeybsiga ee loo yaqaano 4.5, waxaana xildhibaan kasta soo doortay ergo gaareysa 101 qof , sidaas ayaana loogu magac daray magaca Golaha Shacabka.

Awoodaha ugu weeyn ee Golaha Shacabka waxaa kamid ah; Doorshada Madaxweynaha, iyo xil ka qaadistiisa, Ansixinta xukuumadda, dejinta iyo meel marinta shuruucda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugaya inuu saxiixo Miisaaniyadda cusub inta uusan billaaban sannadka 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here