Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya waxa ay digniin u dirtay dhammaan Xujayda sanadkaan aadeysa gudashada waajibaadka xajka.
Digniinta Wasaaradda ayaa sheegaysa in Xujayda Soomaaliyeed ay ka digtoonaadaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka sheeganaya inay bixiyaan adeegga xajka, kuwaasoo inta badan aan waafaqsaneyn nidaamka rasmiga ah ee loo maro adeegga xajka.
Wasaaradda ayaa ka digtay la macaamilka shirkadaha been abuurka ah iyo shaqsiyaadka dallaaliinta ah ee sheeganaya inay hayaan adeegga xajka, kuwaas oo ka baxsan xeerarka iyo nidaamka rasmiga ah ee Wasaaradda udajisay Xujayda Soomaaliyeed.
“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, waxey adkeyneysaa in laga feejignaado la macaamilka shirkadaha been abuurka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.
Habka keliya ee lagu heli karo fiiisaha xajka, ayay Wasaaraddu sheegtay inay tahay in lala macaamilo shirkadaha fulinta adeegga xajka ee loo igmaday inay ka shaqeeyaan sanadkaan.
Shirkadaha sanadkaan qabanaya howlaha xajka waa shirkadihii ku guuleystay tartankii adeegga xajka ee la qabtay 2024. Wasaaradda ayaa horay u sheegtay in sanadkaan 2025 aan tartan loo qaban karin shirkadaha xajka, taas badalkeedana shirkadihii ku guuleystay adeegga xajka sanadkii hore ay howlaha xajka sanadka 1446 sii wadi doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, 71 shirkad oo dalka ka howlgasha ayaa sanadkaan u idman inay ka shaqeeyaan dhoofinta Xujayda doonaya inay soo gutaan waajibaadka xajka.