Thursday, May 9, 2024

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Moqdisho (Dawan)- Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii diyaarad dagaal oo aan haybteeda la garan  xalay duqeyn ka geysatay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

wararka aan helnay ayaa intaas ku daraya, in duqeynta lala  beegsaday guryo ay degan yihiin dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Dowladda Soomaaliya, iyo dowladaha ka caawiya la dagaalanka kooxda Al-shabaab ayaan ilaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saarin duqeynta.

Howlgalkaan geystay khasaaraha ayaa kusoo beegmaya maalmo ka dib markii ilmo saddex jir ah lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Gal-hareeri ee gobalka Galgaduud.

Sidoo kale, bil ka hor, laba qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen, markii diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Duqeyntaan is daba joogga ah ayaa kusoo aadeysa, kadib digniintii Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ee ku saabsaneed in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here