Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda iyada oo ay ogolaadeen 177-Xildhibaan. Hal Xildhibaan ayaa diiday wax aamusayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka.

Hargeysa

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed isku magacaawday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u qirtay guuldarrada xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay doorashooyinkii madaxtooyada, waxa uuna hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Wajeer

Meydka nin loo maleynayo inuu yahay Mahad Cali Geedi, oo ahaa ganacsade lagana afduubtay goobtiisa ganacsi ayaa maanta laga soo helay haradda Yahuud ee Wajeer. Meydka ayaa la geeyay Qeybta Meydadka ee Isbitaalka, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo kulan la qaatay hoggaanka haweenka ayaa ballan qaaday in lasoo afjari doono dilalka sharci darrada ee dumarka loogu gaystay dalkaas oo sii batay bilihi las soo dhaafay.

Uganda

Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka Uganda ayaa kasoo muuqday maxkamad militari oo ku taal Kampala ka dib markii la sheegay in laga soo “afduubtay” dalka deriska la ah ee Kenya.

Ghana

Afar askari oo ka tirsan ciidamada Ghana ee nabad ilaalinta u jooga Lubnaan ayaa ku dhaawacmay gantaal lagu dhuftay saldhig ay ku leeyihiin koonfurta Lubnaan.

Nigeria

In ka badan toban askari ayaa lagu dilay weerar talaadadii lagu qaaday xero ciidan oo ku taal gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria, sida laga soo xigtay ilo militariga dalkaas ka tirsan.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar lagu dalbanayo in xabbad-joojin looga hirgeliyo marinka Gaza, iyada oo la sii dayanayo dhammaan dadka la haysto lana fududeynayo gargaarka bini aadanimo ee loogu tala galay shacabka Falastiin.

Argentina

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in Argentina ay kala baxday ciidamadii qeybta ka ahaa ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan Lubnaan.

Ciraaq

Tirakoobka guud ee dadweynaha Ciraaq ayaa maanta la billaabay, waana tirakoobkii ugu horeeyay ee la sameeyo muddo 37 sano ah.

Ukraine

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la xiray safaaradda ay ku leedahay caasimadda Ukraine ee Kiev, sababo amni awgeed. Go’aankan ayaa imanaya wax yar kadib markii uu Biden u fasaxay Ukraine inay dagaalka ay kula jirto Ruushka u adeegsan karto hubkii Mareykanku siiyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here