Waxaa Qoray Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Tan iyo markii koowaad ee la ii doontay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012, waxaan ka baadbaaday 6 isku day dil oo ay fulisay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Waxaa ugu dambeeyay isku daygii 18 Maarso ee sanadkan 2025 ee ka dhacay Muqdisho.
Maalinkaas, xilli aan ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, si aan ugu biiro ciidammadeenna geesiyada ah ee jooga jiidaha hore ee dagaalka, ayay argagixisadu isku dayeen in ay carqaladeeyaan safarkeyga, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa oo ay waddada ku aaseen. Laakiin Alle mahaddii iyo feejignaanta ciidankeenna ammaanka, qorshahoodii waa uu fashilmay, sidii qorsheyaashoodii horeba u fashilmeen.
Iskudayada joogtada ah ee dilkeygu ma aha in aniga si shakhsi ah la ii beegsanayo, ee waxay muujinayaan in cadowgu uu dareensan yahay nooca mashruuca qaran ee aan wadno, kaas oo ah: Mashruuca argagixiso ka badbaadinta Soomaaliya, iyo Dhismaha mustaqbal xasilloon oo shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhami ku naalloodaan.
Kooxda Alshabaab waxay garowsatay in soo afjaristeeda iyada iyo kooxaha argagixiso ee la halmaala, aysan ka dhigneyn oo kaliya xoreynta Soomaaliya, balse ay salka u dhigeyso amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo dariskiisa gobolka, arrintaas oo khatar jiritaan ku ah kooxahan argagixiso.
Tan iyo markii aan xilka la wareegay markii labaad sanadkii 2022, waxaan mudnaanteyda koowaad ka dhigtay in aan dagaalka u raro wadnaha kooxaha argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish. Istaraatiijiyaddeennu waxa ay ahayd mid dhammeystiran, annagoo kula dagaalnay labo aa goo muhiim ah: Fikirka iyo Dhaqaalaha.
Dhanka Fikirka, Waxaan kala shaqeynay in ka badan 300 oo ka mid ah culimada iyo ducaadda Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn, in ay daboolka ka qaadaan oo caddeeyaan in doodaha kooxahan yihiin been abuur, iyagoo xaqiijiyay in Islaamku uu beri ka yahay dambiyada iyo jariimooyinka ay kooxahani geysanayaan.
Iyadoo loo maray ololeyaal warbaahineed iyo barnaamijyo wacyi-gelineed, Shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel waxaa u bilaabatay in uu wacyigii u soo noqdo, uuna iska diido xagjirnimada noocyadeeda kala duwan.
Xagga dhaqaalaha, waxaan qaadannay siyaasad adag oo aan xididdada ugu siibeyno kuna xireyno ilaha maalgelineed ee argagisada.
Waxaan xirnay boqollaal xisaabaad bangi (Bank Accounts) oo la tuhunsan yahay, waxaan joojinnay shabakadihii dhaqaale ururinta ee kooxaha argagixisada ahi u adeegsan jireen baadda muwaadiniinta iyo xarumaha ganacsi.
Dadaalladaas dartood, Ciidammadeenna qalabka sida waxay ku guuleysteen in ay deegaanno aad u ballaaran ka sifeeyaan kooxaha argagixisada ah. Inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn iyo khasaarooyin, haddana doonisteennu waa mid adag, horumarka aan sameynay waa mid la taaban karo, walina waxaan gaareynaa guulo is dabajooga ah.
Dagaalkeenna ka dhanka ah argagixisadu ma aha mid gudaha oo kaliya ku kooban, balse waa dagaal aan ugu jirno nabadda iyo degganaanshaha gobolka oo dhan. Argagixisadu ma aqoonsana xudduud, in Soomaaliya looga adkaadana waxay la micno tahay in la soo xiray ilihii waraabinayay, ka hor inta aysan khatar ku noqon darisyadeenna iyo caalamkaba.
Cidna kama qarsoona muhimmadda Istaraatiijiyadeed ee mandiqadda Badda Cas iyo Khaliijka Cadmeed u leeyihiin amniga iyo dhaqaalaha caalamka. Waa mandiqad ay ka howlgalaan kooxo argagixiso oo badan oo ay ugu weynyihiin Alqaacidda, Alshabaab, Daacish iyo Xuutiyiinta – oo inkastoo uu khilaaf ka dhexeeyo marka dusha laga eego- haddana leh isbaheysi qarsoodi ah iyo kaalimo is dhaafsi ka dhan ah dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka guud ahaan.
Annagoo dareensan khatarahaas, ayaan isbarbar taagnay walaalaheenna Boqortooyada Sacuudi Carabiya tan iyo maalinkii koowaad, innagoo qeyb ka noqonnay Isbahaysiga Islaamiga ah ee la dagaallanka argagixisada Xuutiyiinta oo beegsaday boqortooyada iyo kaalinteeda hoggaaminta diineed iyo dhaqaale, iyagoo sidoo kale beegsaday Shacabka Yemen oo ay u nugleeyeen saameynta shisheeye.
Hay’adaheenna sirdoonka ayaa dhawaan helay xiriir joogto ah oo kooxda Xuutiyiinta Yemen kala dhexeeya kooxaha Daacish iyo Shabaab ee ka howl gala Soomaaliya, xiriirkaas oo isu baddelay inay is dhaafsadaan shixnado hub ah iyo khibrado. Waxaa noo suurto gashay in aan gacanta ku dhigno shixnado waxyaabaha qarxa ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga keenay Yemen kuna socday Soomaaliya, waxaan sidoo kale qabannay shabakad kuwa wax tariibiya ah.
Dhanka Furimaha, waxaan dagaal adag uga jirnaa labo aag oo waaweyn: Aagga koowaad waa buuraleyda Calmiskaad iyo Silsiladda buuraha Golis ee Woqooyi Bari Soomaaliya, ee la teedsan Gacanka Cadmeed. Halkaas waxay ciidammadeennu ka gaarayaan guulo is dabajoog ah, waxayse u baahan yihiin taageerada dalalka gobolka, si Gacanka Cadan uusan isugu baddelin goob ay awood ku leeyihiin kooxaha argagixisada ah.
Aagga labaad, waa kan bartamaha waddanka, gaar ahaan daafaha webiga Shabeelle, halkaas oo ciidankeennu uu dagaallo adag kaga jiro muddo sanado ah, isagoo taageero ka helaya Ciidammada Midowga Afrika, si kooxda argagixisada ah ee Alshabaab looga horjoogsado in ay qabsato xeebaha Soomaaliya ee Badweynta India. Halkaasna waxaan ka soo hoynay guulo iyo horumar.
Argagixisadu waxay dadaal ugu jiraan in ay gacanta ku dhigaan marin biyoodyada badeed ee muhiimka ah, ha noqoto Gacanka Cadan ama Xeebaha Badweynta India, oo ah labo halbowle oo muhiim u ah gobolka iyo caalamka. Sidaas daraadeed, in laga taqalluso kooxahan argagixiso ee labadan gobol, ayaa xaddidi doona mustaqbalkeena amni iyo dhaqaale ee aan wadaagno, haddii aan nahay dalalka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga hortago in dabka argagixisadu ku sii faafo gobollo kale.
Waxay noogu kacday qiime badan, waxaanna soo marnay jid dhib badan, laakiin waxaan rumeysan nahay in dhammaadka jidkaasi mudan yahay in dhibkaas loo maro.
Ilaahey Idankii, annagoo kaashaneyna go’aanka shacabkeenna iyo taageerada saaxiibbadeen, ayaan horay u socon doonnaa, ilaa aan ka aragno Soomaaliya cusub oo ammaan ah oo saldhig u noqota nabadgelyada gobolka iyo caalamka.
Amni iyo nabadgelyo laga xaqiijiyo Soomaaliya waxay qeyb aan kala qeybsami karin ka tahay, xaqiijinta degganaanshaha heer gobol ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Annagoo wadna dadaalladeenna aan joogsiga lahayn ee la dagaallanka argagixisada, waxaan u gacan haatineynaa saaxiibbadeenna, walaaleheenna gobolka iyo caalamkaba, si ay u taageeraan dadaalladaas, annagoo aaminsan in amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadan uu yahay mas’uuliyad wadareed u baahan in ay iska kaashadaan dhammaan dalalka gobolku.
Maqaalkan oo Afcarabi ku soo baxay waxaa lagu daabacay wargeyska Alsharq- Awsat, waxaana turjumay Dawan TV.