Sunday, May 25, 2025

Diiwaangelinta 84 Carruur oo Wadooyinka Muqdisho Lagu Soo Tuuray

Abukar Osman

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Qoyska ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay 84 carruur ah oo wadooyinka Muqdisho lagu soo tuuray sanadkii 2024.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Khadiija Maxamed Al Makhzuumi, ayaa sheegtay in ay sii kordhayso tirada carruurta la dayacay, kuwaasoo badankood aan lahayn diiwaangelin rasmi ah ama waalid la aqoonsan.


Wasiir Khadiija ayaa 17-kii May 2025 ka sheegtay hadalkan Kulanka Sanadeedka 3-aad ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.


“Sanadkaan 2024, siday ku dhacdayba, 82 carruur ah ayaa lagu helay wadooyinka Muqdisho, iyagoo la dayacay oo aan lahayn aqoonsi waalidkood,” ayay tiri Wasiir Khadiija.


Wasiirku waxay sheegtay in Wasaaradda ay qaaday tallaabooyin degdeg ah si carruurtaan loogu diiwaangeliyo si rasmi ah, iyadoo loogu oggolaaday inay helaan fursad nololeed oo ka wanaagsan, walow ay sheegtay in carruurtaas lagu hayo xarunta CID oo aysan helin hooy u gaar ah.

Wasiir Khadiija ayaa intaas ku dartay in arrintan ay keentay diiwaangelin la’aanta guurka iyo furiinka oo aan jirin ilaa xaaladda yar mooyee.
Wasaaradda Qoyska ayaa sidoo kale sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta, iyadoo la kaashaneysa hay’adaha maxalliga ah iyo ururada si loo hubiyo in aan carruur laga tagin oo la diiwaangeliyo, taasi oo ay sheegtay in ay qayb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo adeegyada ilaalinta carruurta Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here