Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Geelle oo dhowr Safiir ka guddoomay warqadaha aqoonisiga

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirrada cusub ee dalalka Japan, Rwanda iyo Canada.

Safiirada laga guddoomaya warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah Hara Keiichi oo u dhashay Japan, Jeneraal Charles Karamba oo ka socda Rwanda, iyo Joshua Tabah oo Canada ku meteli doona dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay magacaabista Safiiradaan u leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jabuuti kala dhaxeeya dalalka dunida, wuxuuna u rajeeyay Safiirada cusub in sida ugu wanaagsan u gutaan shaqadooda.

Geelle ayaa intaas raaciyay in Xukuumadda Jabuuti ay diyaar la tahay wax kasta oo shaqadooda u fududeynaya si looga wada shaqeeyo danaha laba geesoodka ah.

Safiirada cusub ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Jabuuti uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyaga oo xaqiijiyay in ay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka dalalkooda kala dhaxeeya Jabuuti.

Sida uu xusay, Safiirka cusub ee Rwanda, labada dal waxa ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo ku dhisan ilaalinta danta labada Shacab iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, adeegyada duulimaadka, macluumaadka iyo tignoolajiyada isgaarsiinta, waxbarashada, tababarada diblomaasiyadeed, beeraha, iyo dalxiiska.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida oo ay ku jiraan Japan, Rwanda, iyo Canada, waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here