Saturday, May 24, 2025

Sarkaal Ka Tirsanaa Daacish oo Lagu Dilay Cal Miskaad

Soohoyde

GURYASAMO, Puntland – Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal isugu jiray dhul iyo cir oo laga fuliyay deegaanka Guryasamo, buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo Puntland ah.

Axmed Muuse Saciid, oo ahaa xiriiriyaha u dhexeeya hoggaanka sare ee Daacish iyo xubnaha ajaanibta ah ee kooxda ku soo biira, ayaa lagu dilay howlgal ballaaran oo qayb ka ah wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Puntland.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidankaa Puntland ay soo bandhigeen meyd la tuhunsan yahay inuu yahay Axmed Muuse Saciid iyo xubin kale oo kale oo ka tirsanaa kooxda Daacish. Waxa ay intaa ku dareen in laga helay goobta howlgalka xog muhiim ah oo horseedi karta guulo dheeraad ah oo ka dhan ah Daacish.

Ciidaamad Puntland iyaga dhankooda illa hadda war rasmi ah kama soo saarin howlgalkaan.

Wajiga saddexaad ee howlgalka ay wado Puntland ee lagula dagaalamayo kooxaha  ka dagaalama  deegaanka Puntland , ayaa maraya meel gabo-gabo ah, iyadoo laamaha amnigu ay wadaaan howlgalo ka dhan ah kooxda daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here