Saturday, July 27, 2024

Xuska aas-aaska Jahmuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Xuska sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jahmuuriyadda Turkiga ayaa maanta lagu qabtay safaaradda dowladda Turkiga ee Muqdisho iyada oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda Soomaaliya, diblomaasiyiinta shisheeye ee jooga Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalay munaasabadda ayaa u hambalyeeyay madaxada iyo shacabka Turkiga isaga oo uga mahadceliyay garab istaaggii weyna ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed xilliyadi adkaa.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”. ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo la wadaagay madaxda iyo shacabka Turkiga isaga oo u rajeeyay sannado badan oo barwaaaqo ah.

Madaxweynaha ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Waxaan hambalyo diiran u dirayaa walaalkay Madaxweyne Erdogan, munaasabadda 100-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddda Turkiga. Waxaan shacabka Turkiga uga mahadcelinaya saaxiibtinimada joogtada ah iyo xiriirka wanaagsan, waxaana u rajeyneynaa qarni cusub oo barwaaqo ah”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay munaasabadda 100-guuradii ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiga oo ku beegneyd 29-kii October sanadkii 1923-kii.

Erdogan ayaa yiri ” Waxaan marqaati ka nahay inaan xammaasad iyo sharaf kusoo gaarnay maanta oo qarni laga joogo markii aan aas-aasnay Jamhuuriyadda Turkiga”

Mustafa Kemal Ataturk, ayaa 29-kii October 1923 ku dhawaaqay in Turkiya ay tahay dowlad madax bannaan oo Jamhuuri ah, waxaana la laalay khilaafadii Islaamiga ahayd ee ay ku mideysanaayeen shucuubta Muslimiinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here