Saturday, July 27, 2024

Hirshabeelle oo meelmarisay aqoonsiga degmooyin cusub

Jowhar (Dawan)- Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa meelmariyay lix degmo cusub kuwaas oo soo buuxiyay shuruudihii loogu baahnaa heer Degmo, sida ay sheegtay Wasaaradda Gudaha ee Hirshabelle.

Deegaanda loo aqoonsaday Degmooyinka ayaa kala ah; Ceelbaraf, Al-kowsar, Ceel-cali, Jawiil, Halgan iyo Jiliyaale.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda ku qaada dhigay sidii losoo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda deegnada Hirshabeelle iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay dhibaatadu kasoo gaaratay daadadka roobka iyo fatahaada Wabiyada.

Deegaanada Hirshabeelle ayaa ka mid ah meelaha ay saameynta baallan kasoo gaaratay roobka Dayrta, waxaana guryahoodi ka barakacay kumanaan qoys, sida ay sheegeen hay’adaha dwoladda iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku sameeyay maamulkiisa dib u habeyn iyo daadejin dhanka maamulka ah, isaga oo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Hirshabeelle iyo Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

Dhanka kale, magaalada Jowhar ayaa yeelaty 30 sano kadib Gole Deegaan, waxaana la qorsheynaya in la dhameystiro dhammaan Golaha Deegaan ee magaalooyinka Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here