Monday, June 9, 2025

Duqeymo Cirka ah oo lagu dilay Xubno Daacish katirsan

Soohoyde

Puntland– Juun 3, 2025 – Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo laga fuliyay buuraleyda Bariga gobolka Bari lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish. Sida lagu sheegay war kasoo baxay howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland 2 June 2025 duqeymuhu waxa ay ka dhaceen afar goobood oo ku yaalla inta u dhaxaysa dooxooyinka Baalade iyo Miraale.

Duqeymahan ayaa  waxaa fuliyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM,Sida ay sheegeen ciidamada puntland ,

duqeymahaan waxaa lala beegsaday dagaalalamayaal  la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo la sheegay in ay isku dayayeen in ay ku dhuuntaan godad ku yaalla deegaanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in howlgal dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaanka Shaakaalooyin – oo ku yaalla inta u dhaxeysa dooxooyinka Baalade iyo Miraale.

Ma jirto war madaxbannaan oo ilaa hadda lagu xaqiijiyay khasaaraha saxda ah ee ka dhashay weerarrada.

Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Puntland sheegtay inay ku doonayso sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka hawlgala buuraha gobolka Bari. Sidoo kale, Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in ay sii wadi doonaan howgalada  duqeymaha ah ee ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama soomaaliya .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here