Saturday, July 27, 2024

Jaamacadda Carabta oo ergay cusub usoo magacaawday Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi usoo magacaawday inuu noqdo ergayga iyo madaxa howlgalka u qaabilsan Soomaaliya.

Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa beddeli doona Salaax Al-juneyd kadib markii ay u dhamaatay mudda xileedkiisi uu Soomaaliya ku joogay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibaddda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ka guddoomay waraqadaha aqoonsiga ergayga cusub isaga oo u rajeeeyay in Ilaah waafajiyo howlaha loo soo igmaday.

Eragyga cusub, Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn dooni sidii loo sii dardargelin lahaa taageerada ay Jaamacadda Carabta siiso Dowladda Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa bishii hore ugu baaqday dowladaha xubna ka ah, hay’adaha Carabta iyo kuwa caalamiga ah in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya si ay wax u qabato dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha baaxadda leh ee ku dhuftay dalka, isla markaana loo daboolo baahiyaha deg-degga ah ee ka jira Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed, kadib markii ay Dowladdu ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah iyo in loo baahanyahay gargaar deg-deg ah oo lagu taageero dadkii ay saameyntu kasoo gaartay fatahaadaha.

Sidoo kale, Jaamacadda Carabta ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay inay sii wadi doonto doorka taageerada ah ee ay Soomaaliya ka siinayso geedi socodka dimoqraadiyadeed, midnimadeeda Qaran, iyo tillaabooyinka lagu xaqiijin karo himilooyinka iyo rabitaanka shacabkeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here