Sunday, June 15, 2025

Jabuuti iyo Japan oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga Badda

Abukar Osman

Dowladaha Japan iyo Jabuuti ayaa xoojiyey iskaashigooda laba geesoodka ah, gaar ahaan dhanka amniga badda iyo xasilloonida gobolka, kadib kulan heer sare ah oo magaalada Tokyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Takeshi Iwaya, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, kulankan oo dhacay 13-ka Juun, 2025, wuxuu kusoo beegmay xilli Japan ay sare u qaadayso xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Bariga Afrika, iyadoo u aragta gobolka mid muhiim u ah istiraatiijiyadda isku xirka ganacsiga Asia iyo Yurub.

“Jabuuti waa xudunta muhiimka u dhaxaysa Aasiya iyo Yurub. Wadajirkeenna ku saleysan bad xor ah iyo Indo-Pacific furan wuxuu si buuxda u qeexayaa danaha aan wadaagno,” ayuu yiri Wasiir Iwaya.

Japan waxay saldhig ciidan rasmi ah oo kaliya ku leedahay Jabuuti tan iyo sanadkii 2011, iyadoo saldhiggaasi ku yaalla agagaarka Garoonka Ambouli oo martigeliyo in ka badan 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Japan (JSDF). Waxaana laga fuliyey in ka badan 3,500 hawlgallo amni oo lagu beegsanayo burcad-badeedda iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Guddoomiye Dileita ayaa dhankiisa ku ammaanay Japan kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay horumarka Jabuuti, gaar ahaan dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo tababarka xirfadlayaasha, isagoo xusay doorka istiraatiijiga ah ee Jabuuti ay ku leedahay xasilloonida Geeska Afrika.

Tan iyo 2000, Japan waxay bixisay in ka badan $150 milyan oo gargaar horumarineed ah, waxaana ay Jabuuti ka mid tahay dalalka ugu taageerada badan ee Afrikaan ah. In ka badan 100 arday oo Jabuutiyaan ah ayaa nasiib u yeeshay waxbarasho iyo tababaro ay ku qaateen gudaha Japan, iyadoo JICA iyo MEXT ay si toos ah uga qaybqaateen. Kulankan ayaa muujinaya  xoojinta xiriirka Japan iyo Bariga Afrika, gaar ahaan doorka sii kordhaya ee Tokyo ku leedahay amniga, ganacsiga, iyo horumarka Badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here