Saturday, June 21, 2025

In ka badan 40,000 oo Arday oo u fariistay Imtixaannada Somaliland

Hargeysa (Dawan) – 40,749 oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaannada sanad dugsiyeedka 2024-2025 ee Somaliland. Imtixaannadani, oo ay ka qeeb galayaan arday heerarka kala duwan ee waxbarashada ah, waxaa si rasmi ah ugu furay magalaada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdillaahi Irro.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku boorriyey inay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan imtixaannada isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, 15,696 arday ayaa u fariistay imtixaannada dugsiga sare (Fasalka 12-aad), halka 24,836 arday ay u fariisteen imtixaannada dugsiga dhexe (Fasalka 8-aad). Sidoo kale, 217 arday ayaa ah Farsamada Gacanta.

Imtixaannadani ayaa ka dhacaya 304 goobood oo ku kala yaal 6-da gobol ee Somaliland sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada.

Marka la eego sanadkii hore, tirada ardayda ka qayb qaadaneysa imtixaannada Somaliland ayaa kordhay si weyn. Sanad dugsiyeedka 2023-2024, 38,489 oo arday ayaa ka qayb qaatay imtixaannada, taasoo muujinaysa koror dhan 5.87% marka loo eego sanadkii hore.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday madaxbannaanideeda Soomaaliya 1991, kaddib burburkii dowladdii Soomaaliyeed, waxaana tan iyo markaas xoogga saaray dhismaha hay’adaha dowliga ah, oo ay ku jirto nidaamka waxbarashada.

Dhameystirka imtixaannadani ayaa la filayaa inay ka qayb qaataan horumarinta nidaamka waxbarasho ee Somaliland iyo yoolalka waara ee Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here