Saturday, June 28, 2025
Array

Puntland oo Digniin Caafimaad ka Soo Saaray Xanuunka gawracatada

Mudug (Dawan ) – Faysal Sheekh Cali, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa soo saaray digniin caafimaad ka dib faafitaanka xanuunka gawracatada ee gobolka, kaasoo sababay dhimashooyin iyo faafitaan degdeg ah, gaar ahaan carruurta, taasoo keentay welwel ballaaran oo ka taagan bulshada deegaanka.

Warqad rasmi ah oo uu Guddoomiyaha u diray waalidiinta, macalimiinta dugsiyada quraanka iyo maadiga, iyo ganacsatada leh goobaha ciyaaraha carruurta, ayaa lagu sheegay in carruurta aan helin talaalka difaali ay ka fogaadaan kulannada dadweynaha, gaar ahaan dugsiyada iyo meelaha carruurtu ku ciyaaraan.

“Haddaba si loola tacaalo waxna looga gato faafida ad dhaafka ah ee xanuunka Gawracatada laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay jun, 28, 2025 waxaan joojinay in la isugu keen caruurta aan gaadan talaalka gavracatada meelaha caruurtu isugu timaado,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha.

Maamulka Gobolka waxa uu sheegay in kadib wada-hadallo ay la yeesheen dhakhaatiirta maxalliga ah in xanuunka uu si degdeg ah u faafayo, ay go’aansadeen in la jaajiyo isu imaanshahaha goobaha caruurta. Xanuunka gawracatada, oo ay sababto bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae, ayaa saameeya dhuunta iyo nidaamka neefsashada, waxaana keeni kara caabuq daran haddii aan la daaweyn. Haddii aan si degdeg ah loo daaweyn, xanuunka waxa uu sababi karaa nafaqo-xumo iyo dhibaatooyin wadnaha  ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here