Wednesday, August 13, 2025

Soomaaliya iyo Kuwait oo Kala Saxiixday Heshiis Diblumaasiyadeed

Kuwait (Dawan) – Kulan maanta ka dhacay magaalada Kuwait kaas oo dhexmraya , Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdulsalam Cabdi Ali, iyo dhiggiisa dalka Kuwait, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya, ayaa lagu kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo xoojinaya iskaashiga labada dal.

Heshiisyada lakala saxiixay waxaa ka mid ah:

Heshiis ku saabsan wadatashiyada labada dal ee arrimaha dibadda – Heshiiskan ayaa lagu xoojinayo isdhexgalka siyaasadeed ee labada dal.

Heshiis iskaashi oo dhexmaraya Machadka Diblomaasiyadeed ee Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Kuwait iyo Machadka Diblomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya – Heshiiskani wuxuu dhiirrigelinayaa wada shaqeynta iyo tababarka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir ayaa ka wadahadlay xiriirka adag ee ka dhexeeya dalalka walaalaha ah, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan. Waxa kale oo ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale maalin kahor heshiis ku saabsan tababarka diblomaasiyiinta la saxiixatay dalka Algeria, kaasoo qayb ka ahaa seddex heshiis oo Soomaaliya iyo Algeria ku dhexmaray magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Heshiisyadan waxay muujinayaan dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga gobolka iyo caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here