Tuesday, September 9, 2025

Soomaaliya oo ku baaqday maalgelin la xiriirta isbeddelka cimilada

Addis Ababa(Dawan)-Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka qayb galay  maanta shirkii Labaad ee Africa Climate Summit ee ka dhacay Addis Ababa, halkaas oo uu kaga hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo maalgelin caddaalad ah oo lagu taageerayo dalalka nugul ee cimilada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida ay abaaraha iyo saameynta isbeddelka cimiladu u saameeyeen Soomaaliya. “Intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2023, dalkayagu wuxuu la kulmay abaaraha ugu xumaa afartankii sano ee la soo dhaafay, taas oo saameysay 7.8 milyan oo qof, ku dhawaad kala bar bulshada. Arrintani waxay keentay gaajo baahsan, luminta nolol maalmeedka, iyo malaayiin dad gudaha dalka ku barakacay,” ayuu yiri.

Waxa uu hoosta ka xariiqay  in Soomaaliya aysan wax weyn ku biirin wasakheynta hawada caalamka, balse ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saamaynta isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Soomaaliya si buuxda u taageerayso mowqifka midaysan ee Afrika ee cimilada, kaas oo u baahan dib-u-habeyn ku saabsan qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka si loo fududeeyo maalgelin cimiladeed oo la awoodi karo, loo hirgeliyo Sanduuqa Khasaaraha iyo Dhibaatooyinka (Loss and Damage Fund), iyo in la sameeyo maalgashi ballaaran oo lagu taageerayo la qabsiga cimilada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyay la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay diirada saaraan yoolalka Afrika, ayna keenaan maalgelin dhab ah iyo fulinta ballanqaadyada. Wuxuu ka digay in dalalka nugul, sida Soomaaliya, aysan sii wadi karin inay la kulmaan saameynta cimilada ee soo noqnoqota iyada oo aan la helin taageero degdeg ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada Afrika ee la dagaalanka isbadalka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here