500 oo Garaam oo qaad ah, ayay goob fagaare ah ku gabayaan, kadib howgal dheer oo kadhacay gobolka Cali sabiix ee dalka Jabuuti
Cali Sabiix (Dawan Africa) – Ciidamada ammaanka ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in 10-kii September ay ku guuleysteen howlgallo qorshaysan oo lagu qabtay maandooriyaal kala duwan oo si sharci-darro ah gudaha dalka loogu soo geliyay.
Howlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Cali Sabiix, iyadoo ciidamada booliska iyo kuwa milateriga ay iska kaashadeen hawlgalkan wadajirka ah.
Madaxa ciidamada ammaanka ee gobolka Cali Sabiix, Maxamed Muumin, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 2,500 garaam oo qaad ah iyo sigaar noocyo badan leh oo dalka lagu soo geliyay iyadoo aan ruqsad laga haysan.
“Waxaan ku guuleysanay inaan qabanno sigaar cadadkiisu badan yahay. Waxaan dadka ugu baaqeynaa in ay ka fogaadaan waxyaabaha sharci darrada ah. Ciidamadu kama daalaan, habeen iyo dharaar ayay howshooda ku jiraan,” ayuu yiri Muumin.
Saraakiisha ammaanka ayaa maandooriyayaashaasi ku gubay goob fagaare ah, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Jabuuti.
Ciidamadu waxay intaas ku dareen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan dadkii si qarsoodi ah u soo geliyay maandooriyayaasha gobolka Cali Sabiix.
Howlgalka ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee dowladda Jabuuti ku wajaheyso la dagaallanka waxyaabaha sharci darrada ah ee gudaha dalka lagu soo geliyo.