Saturday, July 27, 2024

Wasiirka Difaaca Kenya oo u digay dadka xiriirka la leh Al-shabaab

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay sida  ay laamaha amniga ee dalkaas uga go’an tahay la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab, kadib booqasho uu ku tegay gobolka Lamu oo ay dhowr jeer ka dhaceen weeraro argagixiso.

Wasiirka ayaa u digay shakhsiyaadka gacan saarka la leh kooxaha argagixisada, wuxuuna caddeyay in ay socdaan  howlgallo sirdoon iyo daba gal lagu haayo dadka Al-shabaab ka caaawiya dhanka gaadiidka iyo agabayada kale.

Al-shabaab waxaa xarun u ah Jilib oo Soomaaliya ku taal, mana ahan suurta gal in qof halkaas ka yimaado kadibna ka geysto dhibaato halkaan, isaga oo aan helin qof deegaanka ah oo gacan siiya” ayuu yiri wasiir Ducaale.

Wasiirka ayaa intaas raaciayay in laamaha amnigu hor u qaadi doonaan shaqadooda si looga hortago falalka wax u dhimaaya amniga iyo muwaadiniinta Keya.

Booqashada Wasiirka Difaaca Kenya ee Lamu ayaa timid kadib weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen tuulooyinka Juhudi, Salama, iyo Withu ee Mkunubi.

Koox hubeysan ayaa  laba qof  dilay Talaadadii lasoo dhaafay  kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari xamuul ah oo ku socday deegaanka Nyangoro ee ku teedsan wadada Lamu iyo Witu ee ismaamulka Lamu.

Kooxdaas ayaa sidoo kale gubay 10 guri iyo kaniisad, waxeyna qaateen hanti badan, sida ay sheegeen laamaha amniga ee dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here