Thursday, September 11, 2025
Array

Soomaaliya oo heshay qalab ka hortagaya walxaha qarxa.

Muqdisho (Dawan) –Soomaaliya ayaa heshay qalab cusub oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo ay bixisay Boqortooyada Ingiriiska, munaasabad rasmi ahna oo ka dhacday Muqdisho maanta ayaa deeqdan loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka khatarta miinooyinka qarxa, kuwaas oo weli ah hubka ugu weyn ee ay adeegsadaan Al-Shabaab iyo Daacish lagula wareejiyay.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka (CXDS), Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dhanka Ingiriska waxaa munaasabadda ugu soo qeyb galay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King.

Wasiirka Gaashaandhigga, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in qalabkan cusub uu si weyn u xoojin doono awoodda iyo badqabka ciidamada Soomaaliyeed:

“Qaraxyada macmalka ahi waa hubka ugu weyn ee ay adeegsadaan Al-Shabaab iyo ISIS, waana khatar weyn oo heysta ciidankeena iyo shacabka, Qalabkan cusub, oo ay weheliyaan tababaro iyo taageero, wuxuu kooxaha ka hortaga walxaha qarxa u diyaarin doonaa in ay ogaadaan kana  wajahaan khatarahan.”

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in deeqdan ay muujinayso sida joogtada ah ee UK u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhinaca xasilloonida iyo la dagaallanka Kooxaha Ak-shabaab iyo Daacish.

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa iyaduna ka hadashay muhiimadda qalabkan cusub, iyagoo ku soo qoray barta X: in ay talaabadaan ay qeyb ka tahay xoojinta amniga Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in taageeradan aysan kaliya xoojin doonin awoodda farsamo ee CXDS, balse ay sidoo kale yareyn doonto khataraha ay wajahayaan ciidanka iyo shacabka, iyadoo kor u qaadaysa kalsoonida dalka ku qabto awooddiisa uu ku wajahayo khataraha Al-shabaab iyo Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here