Saturday, September 13, 2025
Array

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 30 AS ah.

Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ayaa saakay degmada Ceel-Dheer ku dilay in ka badan 30 AS ah, ka dib weerar qaraxyo ku bilowday oo ay kooxda ku soo qaadeen saldhigayada ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayayku sheegeen in ay jab xoogan gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay gacanta ku haayaan degmada.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in 6 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen dagaalka, halka 14 kale dhaawacyo fudud ay soo gaareen.

Ciidamda dowladda oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ayaa howlgalo ka wado duleedka magaaladda, iyaga oo wali ku raad jooga xubnaha ka haray kooxdii weerarka soo qaaday.

“Cidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer.,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo bogiisa Facebook kaga hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay Al-shabaab ay jab xoogan ka kulan tahay weerarki ay ku soo qaaday degmada ceeldheer.

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka saakay waxay degmada Ceel-dheer Khawaarijta ugu dhigeen cashar lama ilaawaan ah.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Al-shabaab oo saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada Ceel-Dheer ayaa sheegatay in ay la wareegeen degmalada balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda degmada ay ku sugan yihiin dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here