Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiskii Sheegow Axmed Cali iyo ciidamadiisa oo loo heystay dhowr eedeyn oo ay ka mid yihiin, dil, dhac, ka been sheegid jago dowladeed, lacag dhaqis, sameysashada dukumiintiyo been abuur ah, iyo falal kale oo amni darro ku ah magaalada Muqdisho.
Go’aanada kasoo baxay Maxkmadda ayaa isagu jira Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.
Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay bixinta diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku dhintay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.
Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) ayaa lagu xukumay dil taagasho kadib markii lagu helay caddeynta inuu laba qof ku dily Jowhar beshii February ee sannadkaan
Maxkmadda ayaa 18 eedeysane ku xakuntay 6-Sano oo Xabsi Ciidan ahm halka laba eedeysane oo kale lagu xakumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo bixinta lacagta Telefoon-dii ay dhaceen.
Deeqow oo lagu eedeyay inuu maal geliyo kooxda Sheegoow ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Boqolaal qof ayaa mudaaharaadyo ka dhigay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan xariga iyo maxkamadeynta Sheegoow Axmed Cali.
Dadka isagau soo baxay mudaaharaadka ayaa aaminsanaa in xariga Sheegoow loo maray dariiq aan waafaqsaneyn sharciga, iyaga oo tilmaamay in xarigiisu uu salka ku hayo arrimo syaasadeed iyo mid qabiilled.
“Jeneraal Sheegoow waa sarkaal ka tirsanaa jiray ciidamada Qaranka, xarigiisana wuxuu ahaa mid sharci darro ah. Maanta, waxaan halkan u joognaa inaan taageero xooggan u muujinno isaga iyo dadka kale ee sida sharci darrada ah loo xiray,” ayuu yiri mid ka mid ah bannaanbaxayaasha.
Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray Sheegoow Xasan Cali iyo ciidankiisa bishii August, kadib markii iska hor imaad khasaara geystay dhaxmaray ciidanka uu hoggaamiyo Sheegoow iyo ciidanka xasilinta Muqdisho oo ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir.
Xariga Sheegow Axmed Cali iyo Ciidankiisa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan, iyadoo dadka qaarkood ay u arkaan in arrimo qabiil aysan ka marneyn kiiska.