Friday, October 18, 2024

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland oo ka digtay kiniinka EBUFAC

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa digniin kasoo saartay Kiniini laga keenya dibadda oo sida ay sheegtay laga been abuuray shirkaddi soo saartay.

Hay’addu waxa ay sheegaty in ay vaaritaan ay sameysay ku ogaatay in Kiniinkaan yahay mid been abuur ah kuna dhacay halbeegga waxtarka iyo shaqada dawada.

Digniinta kasoo baxday Hay’adda ayaa lgu yiri ” Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh, kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada”

Hay’adda ayaa ballan qaaday in dawadaas laga saari doono dhammaan goobaha ganacsi si dhaqsi ah, iyada oo xustay in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso.

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa ka codsatay bulshada in ay soo wargeliyaan haddii ay dawadaan ku arkaan goobaha ganacsiga dawooyinka .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here