Saturday, July 27, 2024

Kenya iyo Romania oo xoojinaya iskaashiga maalgashi

Nairobi (Dawan)- Dowladaha Kenya iyo Romania ayaa kala saxiixday afar heshiis oo lagu xoojinayo iskashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, xilli Madaxweynaha Romania uu booqasho shaqo ku marayo maalmahaan Kenya.

Heshiisyada lakala saxiixday ayaa khuseeya ganacsiga iyo maalgashiga, ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabadka isbeddelka cimilada, iskaashiga siyaasadda iyo Beeraha.

Madaxweynaha Kenya, William Samoi Ruto, ayaa sheegay in labada dal ay baadi goobayaan istaraatiijiyado lagu kobcinayo ganacsiga iyo maalgashiga, gaar ahaan fursadaha maalgashi iyo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiga shisheeye oo toos ah .

“Waxaan isla garanay baahida loo qabo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya dalalkeena, ilaalinta deegaanka, iskaashiga siyaasadda iyo in bulshadu ay ka qeyb qaadato nabadaynta iyo dimoqraadiyadda” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda uu heshiiskaan u leeyahay iskaashiga mustaqbalka ee Kenya iyo Romania.

“Hirgelinta heshiisyadaan is-afgaradka ah waxay kor u qaadi doonaan xiriirkeenna oo noqon doona iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan diiradda lagu saarayo” ayuu raaciyay hadalkiisa Ruto.

Dhankiisa, Madaxweynaha Romania, Klaus Werner Iohannis ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu kala shaqeeyo dowladda Kenya kobcinta xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxaan ku heshiinnay inaan horumarino iskaashiga dhinacyada muhiimka u ah labaa dal ee Romania iyo Kenya sida ilaalinta deegaanka, ilaalinta rayidka, waxbarashada, dhijitaalaynta, iyo tamarta cagaaran” ayuu yiri Madaxweyne Iohannis.

Wuxuu intaas ku daray in xasilloonida siyaasadeed iyo dimoquraadiyadeed ee Kenya ay ka dhigtay xarun maalgashi ee gudaha gobolka Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

“Kenya waxay tusaale u tahay xasilloonida siyaasadeed iyo isbeddel dimoquraadiyadeed ee Bariga Afrika. Sidoo kale waa xarunta dhaqaalaha gobolka oo dhan iyo albaab laga soo galo Afrika; waa dal dimoquraadi ah oo xasilloon oo leh rajo wanaagsan ” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweynaha Romania.

Saamaynta gobolka iyo tan caalamiga ah ee Kenya ayaa korortay waayhadii ugu dambeysay waxeyna si firfircoon uga qayb qaadata sida wax looga qabanayo Arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka sida ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, hawlaha cimilada, amniga iyo nabadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here