Saturday, July 27, 2024

Miisaaniyadda Jaamacadda Jabuuti oo la kordhiyay

Jabuuti (Dawan)- Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa meel-mariyay ku tala galka miisaaniyadda Jaamacadda Jabuuti ee sannadka 2024-ka, taas oo gaareysa 4 milyaar iyo 272 malyuun oo lacagta Faranka Jabuuti ah.

Miisaaniyadda waxaa ka muuqata koror u kac dhaqaale oo gaaraya 3% marka loo eego miisaaniyaddi hore, waxeyna sii xoojin doonta howlihii waxbarasho ee Jaamacadda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Af-hayeenka xukuumadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf

Tirada guud ee wax ka barata Jaamcadda Jabuuti ayaa lagu qiysaa ilaa 11,788 arday oo isagu jira qeybaha kala duwan ee heerarka Jaamacadeed.

Heerka koowaad ee Jaamcadda waxaa dhigta arday dhan 4,125 kuwaas oo wax ka barta takhasusaadka kala duwan ee ay Jaamacaddu bixiyo.

Jaamacadda Jabuuti ayaa qorsheyneysa sannadka 2024-ka sii xoojinta iyo ballaarinta kulliyadaha waxbarasho ee dhinacayada xirfadaha iyo tababarada, ballaaarinta qeybaha kulliyadda Injiiriyadda.

Mas’uuliyiinta Waxbarashada sare ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in kor loo qaaday heerka Waxbarasho ee Jaamacadda taas oo keentay in ay kusoo biiraan arday badan oo ka kala timid Africa gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Comoros .

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay miisaaniyadda Xarunta Cilmi-baarsita Jabuuti oo gaarysa 1 milyaar 2,52 mlayuuun oo lacagata dalkaas ah

Xarunta Cilmi-baarista Jabuuti ayaa qorsheyneysa in ay qoroto sannadka 2024-ka cilmi baarayaal cusub oo ka howl geli doona xarunta si loo kordhiyo sidoo kalena loo tayeeyo Cilmi-baarista kasoo baxda Xaruntaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here