Friday, October 18, 2024

DDS oo digniin kasoo saartay isku dhacyo dhax maray laamaha amniga iyo shacabka

Jig-jiga (Dawan)- Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa digniin culus kasoo saaray isku dhacyo dhax maray qaar ka mid ah ganacsadata iyo hay’adaha amniga , kadib tallaabadii uu Maamulku qaaday si wax looga qabto caqabadaha dhanka ganacsiga.

“Waxaa soo noqnoqonaya isku dhacyo dhex maraya shacab abaabulan iyo hay’adaha amniga, arrintaan oo ay ka dambeeyaan kontrobaandistayaal kooban oo magaca shacabka raba inay ku xalaaleeystaan ganacsiga sharci-daradda ah” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Dwolad Deegaanka Soomaalida u qaabilsan Warfaafinta.

Xafiiska Warfaafinta ee Dwolad Deegaanka ayaa intaas raaciyay in ay socdaan dadaalo wax lagaga qabanayo caqabadaha dhanka ganacsiga ee shacabka soo wajahay, iyadoo loo marayo sifo sharci ahm basle waxa uu eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah ganacsatada kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalka doonaya in ay abuuraan fowdo iyo qalalaaso.

Hay’adaha Amniga ee Deegaanka waxaa la faray inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo weerarta ama isku dayda in ay ka hortimaado shaqada iyo waajibaadka ay gudanayaan hay’adaha Amniga.

Sidoo kale, waxaa dadweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida loogu digay inay ka ka qayb qaataan rabshadaha soo noqnoqday ee dhax mara hay’adaha amniga iyo qaar ka mid ah ganacsatada kuwaas oo dhibaato u keeni kara xasilinooda iyo nabad gelyada Deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here