Saturday, July 27, 2024

Warbaahinta Dowladda: 30 ka tirsan AS oo lagu dilay howlgal wadajir ah

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya Dowladaha saaxibka la ah ee ka caawiya la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab ayaa dilay 30 dagaalamayaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marko oo ku dhow Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada wadajirka ah ay howlgal gaar ah ka fuliyeen deegaanka Jilib Marko, kaas oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay in ay sameeyaan abaabul kadib markii la xilay warbixino la xiriira dhaq dhaqaaqyaooda.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya todobaad ka dib markii duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaas oo ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.

Dhaqaatirtaan oo ka mid ahaa 100 dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa loo soo diray dalka Kenya bishii June ee sannadkii 2018-ka, waxaana Gobolka Waqooyi-Bari Kenya kasoo afduubtay kooxda Al-Shabaab bishii April ee sanadkii 2019.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay Dowladda Mareykanka in ay ka dambeysay duqenta lagu dilay labada dhaqtar oo ka dhacday Magaalada Jilib, ee Gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here