Friday, October 18, 2024

Masar iyo Eritrea: Waa in la ixtiraamo madax bannaanida Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa kawada hadlay maanta oo Sabti ah xaaladaha Badda Cas iyo Bariga Afrika oo waaydii ugu dambeysay walaac xoogan laga qabay, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Masar.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay isla garteen inay lama huraan tahay in la ixtiraamo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana taageero sidii loo diidi lahaa dhammaan tallaabooyinka hoos u dhigaya gobanimada Soomaaliya.

Al-Sisi ayaa bishii January sheegay in dalkiisu uusan ogolaan doonin wax khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland aysan cidna aqbali karin.

Madaxweynaha Masar oo uu shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Qaahira xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud garab taagnaa ayaa yiri “Sida cad, Masar ma oggolaanayso wax Soomaaliya khatar ku ah, ama ammaankeeda wax u dhimaya”

Xaaladda Bariga Afrika ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay Itoobiya iyo Somaliland wada saxiixdeen todobaadkii ugu horreeyay ee bishii January heshiis is afgarad ah oo ku saabsanaa in Itoobiya loo oggolaado inay isticmaasho dhul badeed dhererkiisu dhan yahay 20 KM muddo 50 sano ah.

Dowladda Soonaaliya ayaa ka hortimid heshiiska, waxeyna ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo xad gudub ku ah madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.​

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here