Friday, October 18, 2024

Somaliland iyo Taiwan oo iska kaashanaya horumarinta Kalluumaysiga

Taipei (Dawan)- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland, Raabi Shariif Cabdi Maxamed ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, Chen Liguo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ee dhinaca kalluumaysiga iyo maamulka khayraadka badda, iyadoo lagaga wada hadlay ganacsiga iyo xaaladda Gobolka istaraatiijiga ah ee badda cas.

Labada dhinacba waxay muujiyeen rabitaankooda ah inay sii xoojiyaan xiriirkooda laba geesoodka ah.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland, ayaa bogaadiyay taageerada muhiimka ah ee Taiwan, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ku jira xeebaheeda, waxa uuna soo jeediyay in la iska kaashado dhinacyada cilmi-baarista, tignoolajiyada, iyo horumarinta kalluumaysiga si loo soo jiito maalgashiga Taiwan oo loo billaabo isweydaarsiga ganacsga ay faa’iidadu ugu jirto labada dhinac.

Isagoo iftiimiyay qiyamka la wadaago ee dimoqraadiyadda, xorriyadda, iyo ku dhaqanka sharciga, Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka Somaliland ee Afrika, waxaanu muujiyay sida ay Taiwan u doonayso inay ula wadaagto khibradeeda kalluumaysiga.

Somaliland iyo Taiwan ma ahan Dowlado uu caalamku aqoonsanyahay balse waxay wadaagaan xiriir, iyaga oo isweydaarsaday xafiisyo dhanka xiriirka ah oo ku kala yaal caasimadaha labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here