Saturday, July 27, 2024

Kenya oo kordhinaysa wax soo saarka xoolaha

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Xoolaha Kenya, Mithika Linturi ayaa sheegay inuu jiro qorsho sare loogu qaadayo hormarinta dhanka xoolaha, si loo kobciyo
wax soo saarka dhanka hilibka xoolaha iyo haraggooda.

Tallaabooyinka ay Dowladda Kenya qaadayso waxaa ka mid ah in tallaal wadareed loo sameeyo xoolaha si looga hor tago cudurrada galaafta nolosha xoolaha, sidoo kale waxaa Beeralayda la siin doona waxyaabaha nafaqada u ah xoolaha.

Wasiirka ayaa sheegay in Kenya aynan buuxin karin baahida loo qabo hilibka iyo haragga xoolaha ee caalamka maadaama aan Beeralayda loo sameyn aqoon kororsi ku filan oo la xiriira wanaajinta wax soo saarka xoolaha.

Waxaa uu intaasi ku daray in Wasaaradda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay ismaamullada kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ay xoola dhaqatadu u riyaaqaan sidoo kalena xoolaha looga badbaddin karo cudurrada saameeya.


Ka ganacsiga wax soo saarka xoolaha ayaa ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha kor loo qaadayo ganacsiga ee Xukuumadda Kenya, iyada oo la dejiyay istiraatiijyad loo bixiyay BETA .

Xoghayaha Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Kenya ,Jonathan Mwangangi Mueke ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha Dowladda uu yahay in sannadkaan soo saaridda haragga xoolaha laga dhigo labo jibbaar oo la gaarsiiyo 60% halka sannadkii hore uu ahaa 30%.

Mueke ayaa carrabka ku adkeeyay in marka dib loo soo nooleeyo waaxda xoolaha, aysan Kenya dibadda ka soo iibsan doonin badeecooyinka laga soo saaro haragga xoolaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here