Friday, October 18, 2024

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Muqdisho (Dawan)- Wasararadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii la helay dad bisha ku arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilshada bisha Ramadaan, isaga oo ku baaqay in la garab istaago dadka danyarta ah.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay ” Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here