Saturday, July 27, 2024

Soomaali lagu eedeeyay weerar lagu qaaday markab ganacsi

Washington (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixiysay weerar lagu qaaday Axaddii lasoo dhaafay Marakab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed, si loo afduubto.

War kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in isku daygii afduubka markabka ganacsiga ee MV Central Park in ay u muuqato in ay ka dambeeyeen burcad badeed Soomaali ah , balse aysan xiriir la lahayn kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman.

Af-hayeenka Pentagon-ka Patrick Ryder ayaa yiri: “Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya waxa ay muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali.”

” Way caddahay in dhacdadaan ay la xiriirto burcad badeed,” Ryder ayaa hadalkiisa ku daray.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ee USS Mason ayaa ka jawaabay qeylo dhaan kasoo yeertay markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Central Park maalintii Axadda, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen rag hubeysan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen raggii weerarka soo qaaday,islamarkaana ay ku wareejiyeen markabka Mareykanka ee wax burburiya,waxaana la sheegay in ay badqabaan markabkii ganacsiga iyo shaqaalihii la socday.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ay afduubteen markab ay sheegen in laga leeyahay Isarel, taas oo abuurtay walaac xooggan oo laga qabo nabad gelyada Badda Cas iyo saameynta ay arrintaan ku yeelan doonto ganacsiga isaga goosha qaaradaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here