Saturday, November 23, 2024

Wariye ka howl gala Telefishinka Qaranka oo lagu dilay Caabudwaaq

Galgaduud (Dawan)- Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan oo ka tirsanaa howl wadeenada Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wariyaha dhintay oo sidoo kale maamule ka ahaa xarunta agoonta ee magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ilaalada xarunta taas oo keentay inuu soo gaaro dhaawac culus kadibna uu u geeriyoday.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa bartiisa kusoo qoray; “Marxuumka, waxa aan saaxiib iyo shaqo wadaag ahayn muddo gaaraysa ama ka badan 20 Sano. Wuxuu ahaa nin ahlu Khayr ah oo aad uga shaqeeya wanaaagga”

Al-Cadaala waxa uu intaas raaciyay in Cabdikariim Axmed Bulxan uu sanadihii danbe si gaar ah uga shaqaynayay caawinta Masaakiinta isaga oo hadda gacanta ku hayay caawinta Agoonta iyo dadka nugul.

Cabdikariim ayaa la soo shaqeeyay dhowr Warbaahin oo kala duwan sida Shabeelle, Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka muddadii uu ku jiray warbaahinta.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa la kulma dhibaatooyin isagu jira hanjabaad, dil, jirdil iyo xarig sida ay sheegeen hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee u dooda xuquuqda wariyaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here