Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Bahrain oo kawada hadlay ajandaha shir-madaxeedka Carabta

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Khamiis ah, ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Bahrain, Cabdiladiif Bin Raashid Al-Zayaani.

Booqashada Wasiirka Arrmaha Dibadda ee Bahrain ayaa la xiriirta diyaar garowga uu dalkiisu ugu jiro martigelinta shir-madaxeedka 33-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, oo ka dhici doona caasimadda Manama 15-16 May 2024.

Jabuuti iyo Bahrain ayaa isku raacay in arrimaha ka taagan wadamada Carabta oo ay ugu horeyso qaddiyadda Falastiin in xoogga lagu saaro ajandaha shir-madaxeedka Carabta ee dhici doona bartamaha bishaan.

Arrimaha kale ee ay laba dhinac isla garteen ayaa ah wax ka qabashada arrimaha la xiriira horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shir-madaxeedka 33-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta lagu qabto sannadkaan Boqortooyada Bahrain, isaga oo muujiyay rajada uu dalkiisu ka qabo in shirku noqodo mid guul ku dhamaada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here