Saturday, July 27, 2024

Khudbadda Xamsa ee meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta

Manama (Dawan)- Halkaan ka akhriso khudbadda uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ka jeediyay meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay sannadkan caasimadda Bahrain ee Manama 16-ka bisha May.

Boqorka boqortooyada aan walaalaha nahay ee Bahrain, Boqor Xamad bin Ciisa, guddoomiyaha kalfadhigaan  ee shir-madaxdeedka wadamada  Carabta,

 Dhaxal-sugaha, ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya,  Amiir Maxamed bin Salmaan, guddoomiyihii sannadkii hore ee shir-madaxdeedka wadamada  Carabta,

Axmed Abul  Gheit, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,

Ka soo qayb galayaasha, sharafta mudan, dhammaantiin, Asalaamu Calaykum..

Waxaa sharaf ii ah in aan maanta idinkala soo qaybgalo shirkan muhiimka ah, aniga oo  wakiil ka ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale farxad ii ah inaan  mahadcelin iyo bogaadin aan lasoo koobi karin   u jeediyo Boqorka Boqortooyada Bahrain Boqor Xamad bin Ciisa, iyo Amiir  Salmaan Bin Xamad, Dhaxal-sugaha ahna  Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada  sida sharafta leh ee ay noogu soo dhaweeyeen markaan soo gaarnay boqortooyada Bahrain oo aynu u argano in ay tahay dalkeena labaad.

Waxaana rajeyneynaa in natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan  shir madaxeedkan kuwaas  oo xoojin doona midnimada Carabta si looga hortago  caqabadaha aan horay loo arag ee soo food saaray gobolka.

Waxaan hambalyo diiran iyo bogaadin aan la soo koobi karin la wadaagaya  Boqor Xamad  bin Ciisa  iyo Dhaxal-sugaha Amiir  Salmaan Bin Xamad, aniga oo ugu hambalyeynaya shir-guddoonka meertada  33-aad ee dalalka Carabta, aniga oo   rajaynaya in kalfadhigaan kusoo dhamaado guul, taas oo ah rajada aan ka qabno ka mira dhalinta hiigsiga horumarka  xasilloonida  iyo barwaaqada.

Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa dadaalki ay bixisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya inti lagu guda jiray  shir-madaxeedkii hore ee ay  hoggaamintiisa lahaayeen   Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga  Maxamed Bin Salmaan, iyada  oo laga soo hooyey guulo la taaban karo oo kor loogu qaaday  Iskaashiga Carabta iyo ka hortagga caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;

Waxaan maanta  kulmaynaa iyada oo ay gobolka iyo caalamkaba  ka jiraan caqabado aan horay loo arag kuwaas oo nooga baahan inaan sidii hore si ka ballaran usii xoojino iskaashiga,  wadajirka  iyo wada shaqeynta dalalkeena si aan wax uga qabano  dhibaatooyinka hadda taagan.

Hadda, dalalka Carabta waxaa ka taagan caqabado badan iyo qalalaase kuwaas oo isagu jira dhaqaale xumo, colaado hubeysan iyo is qab-qabsi siyaasaadeed.

Marka la eego  qaddiyadeena wayn ee Falastiin, waxaan  muujinaynaa walaaca  aan qabno iyo sida aanu ugu qanacsanayn xaaladda sii xumaanaysa ee halkaas  ka jirta.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa gabood falka,  gardarrada  joogtada ah iyo  xasuuqa Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin.

 Sidoo kale waxaan carrabka ku adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay taageerada wadmada Carabta iyo tan caalamiga ah si looga hortago xadgudubyadaas loona  xaqiijiyo xuquuqda aan la dafiri karin ee dadka Falastiin u leeyihiin in ay helaan madaxbannaani , xorriyad iyo sharafta bin aadanimo.

Waxaan minbarkaan muhiimka ah  ka caddeynaya, in  Jamhuuriyadda Soomaaliya ay  mar kale xaqiijinyeso   taageerada ay  u hayso Hindisaha Nabadda ee Carabta, waxaana taageeraynaa dhammaan dadaallada horseedaya in walaalaha Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah iyo tillaabooyinka ay qaadayaan madaxda Falastiin si loo joojiyo xasuuqa ka dhanka ah shacabka Falastiin .

Waxaan codsaneynaa in lasoo saaro go’aan lagu joojinayo  dagaalka iyo in  la fuliyo  go’aamada Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo dadka rayidka ee aan isdifaaci karin, iyada oo si deg-deg ah gargaar bini aadanimo  loo gaarsiinayo dadka ay waxyeelado kasoo gaartay dagaalka dib u dhisna loogu sameynayo marinka Gaza.

Madaxda sharafta iyo qaddarinta mudan,

Marka la eego xaaladda dalkeena  Soomaaliya, Itoobiya waxay weli usii xusul duubeysaa  tillaabooyinka ku dhisan  naceybka, iyada oo faragelinyesa  arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana  khalkhalinaysa  amniga  iyo xasilloonida si ay u meel-mariso isku daygeedi  ay ku doonaysay  in ay ka mira dhaliso heshiiski waxba kama  jiraanka ahaa ee ay  la saxiixatay  1-dii January ee sanadkan Gobolka Somaliland (oo ku yaal waqooyi-galbeed ee Soomaaliya) kaas oo ah  qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan mar kale ku celinaynaa in tillaabadan ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  waana diidnay gebi ahaanba, maadaama ay ka hor imaaneyso amniga  Carabta,  gobolka,  Badda Cas iyo Bab al-Mandab.

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga mahadcelineysaa mawqifyada iyo taageerada dalalka Carabta tan iyo markii ay  dhacday dhibaatadii  1-dii Janaayo ee sanadkan,  waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa in la sameeyay koox  heer wasiir ah oo  qaabilsan garab istaagga  xaquuqda Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo  ilaaliyo  midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaan  rajeynaynaa inaan wadamda  Carabta ka helno  taageero ballaan  oo xoojinaya mowqifka aan ku  diidayno qorshahan Itoobiya, iyada oo la wada ogyahay in Soomaaliya aysan waligeed u durbaan tumin dagaal  balse ay mar walba gacanta u fidiso nabadda, waxa kaliya ee aan daneyno waa  horumar,  xasillooni, iyo in lala dagaalo  aafooyinka argagixisada.

Arrimahan marka la eego, dowladda Soomaaliya waxay ku daadashay inay sii xoojiso dadaallada ay dalka kaga xoreynayso kooxaha argagaxisada ah, waxaana ku guuleysannay inaan dib u soo celinno deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagaxisada ah.

Waxaa arrintaas  barbar socday  dadaalladii aan ku bixinnay dhameystirka Dastuurka,  dib-u-heshiisiinta  Qaran, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah.

 Waxaan caddeynaya  sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii  wado dadaallada  wax looga qabanayo   dhammaan caqabadaha hadda jira, anaga oo kaashaneynaa taageerada iyo  caawinta walaalaheen Carbeed, oo aan uga mahadcelineyno garab istaaggooda  joogtada ah ee dhinacyada horumarinta iyo bani aadantinimada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale qorsheyneysaa  in ay hirgeliso barnaamijyo lagu horumarinayo Soomaaliya, laguna kobcinayo maalgashiga iyada oo  la abuurayo fursado cusub oo lagu hiigsanayo  ka mira dhalinta himilooyinka dadkeenna, arrintaas  oo sii xoojineysa guulaha aan gaarnay oo ay ugu muhiimsanyihiin;

 in nagala cafiyay 4.5 bilyan oo doolar oo deyn ah, qaadistii cunaqabateynta hubka ee saaraneed dalkeena iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka dhaqaalaha  Bariga Afrika oo ah fursad  taariikhi ah oo aan ku koobnayn Soomaaliya oo kaliya balse ay faa’iido ugu jirto  dhammaan dalalka Carabta iyada oo xoojineysa isku xirka  ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.

 Tilaabadan ayaa  xoojinaysa  xiriirka dhaqaale iyo mid dhaqan, waxayna abuureysa  fursado badan si loo gaaro horumar waara oo guud.

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;

Waxaan qorsheyneynaa inaan si buuxda ugula wareegno mas’uuliyadda amniga ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika dhamaadka sanadkan, arrintaas waxa ay u baahantahay in ciidamadeeno helaan tababaro iyo hub badan, sidaas awgeed waxa aan codsi u gudbinaynaa wadamada carabta ee walaalaha ah si ay u taageeraan isbeddelkan  muhiim ah si loo xaqiijiyo amniga Soomaaliya oo qayb ka ah amniga Carabta iyo kan gobolka.

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;

Sidaad la socotaan dalka Soomaaliya waxa uu qani ku yahay khayraad badan oo ay ka mid yihiin Xoolaha nool, Beeraha, Kalluumaysiga, Tamarta la cusboonaysiin karo, iyo khayraad kale, sidaas darteed, waxa aan ku faraxsanahay in aan idinku martiqaado inaad maal-gashataan oo aad ka faa’iidaysataan fursadaha ka jira Soomaaliya.

Waxaan  shirkadaha iyo hay’adaha lacagta  ee Carabta kusoo dhawaynaynaa  in ay  maalgashadaan Soomaaliya, dowladduna waxa ay ballan qaadaysaa in ay sameyneyso  dhammaan waxyaabaha fududeynaya arrintaas  ee lagama maarmaanka ah, loogana gudbayo  dhammaan caqabadaha jira.

Arrintaas waxa ay ka qayb ka qaadanaysa hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira abuurista fursado shaqo oo meesha ka saaraya shaqo la’aanta laguna gaarayo horumar iyo barwaaqo.

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;

Gabagabadii, waxaan markale u  mahadnaqaya Boqortooyada Bahrain, boqorkeeda, xukuumadeeda  iyo shacabkeedaba, waxaana shirkeena  u rajaynayaa  inuu ku dhamaado guul  si looga mira dhaliyo  himilooyinka shucuubteena ee ah inay ku noolaadaan nabad, barwaaqo, xasilooni iyo amni.

Waxaan Ilaah ka baryeynaa in uu nawaafajiyo, wixii umaddeena u ah khayr.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here