Friday, October 18, 2024

Deeq-bixiyayaasha caalamka oo Suudaan u ballan qaaday US$2.1 bilyan oo gargaar ah

Paris (Dawan)- Deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ballan qaaday in ay Suudaan ugu deeqeen in ka badan US$2.1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo si looga hortago macluusha laga cabsi qabo in ay ku baahdo dalkaas.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dalkiisu martigeliyay Isniintii shir caalami ah oo ku suubsan sidii Suudaan wax looga qaban lahaa ayaa sheegay in deeq-bixiyaashu ballan qaadeen in ay gargaar degdeg ah gaarsiiyaan dadka rayidka ee dhibaateysan.

Macron wuxuu intaas ku daray, in taageeradan ay ka jawaabeyso baahiyaha degdegga ah ee dhinacyada amniga, cuntada, nafaqada, caafimaadka, biyaha, fayadhowrka, waxbarashada, iyo ilaalinta kuwa nugul.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 25 malyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo, halka qiyaastii 3.8 malyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la il daran yihiin nafaqo darro.

Baaq wadajir ah oo ay soo saareen 14 waddan oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska, Maraykanka, Sucuudiga, Jabuuti, Chad iyo ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo (IGAD) ayaa loogu baaqay dhammaan dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah in taageeraan hindisaha nabadeed ee Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa hore ugu dhawaaqday in ay qaadaceyso shirkan looga hadlayo arrimaheeda, waxeyna ku tilmaamtay inuu ka dhiganyahay tixgelin la’aan iyo ku xad gudbid sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’da madax-bannaanida dowladnimada iyo nidaamka caalamiga ah ee casriga ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa lagu cambaareeyay tilaabada ay qaaday France, iyada oo lagu eedeyay in ay ku dhawaaqday shir looga hadlayo arrimaha Suudaan iyada oo aan wax wada tashi la sameynin madaxda dowladda Suudaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan waxa ay sheegtay in shacabka Suudaan ay leeyiihin dowlad la aqoonsanyahay oo madax banaan sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in lasoo maro hannaanka sharciga marka la doonayo in laga hadlo xaaladda Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here