Monday, May 20, 2024

Deyn cafinta kadib… Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay hesho maalgelin

Washington (Dawan)- Wafdi ballaaran oo kasocda Soomaaliya uuna hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb gelaya shirka xiliga gu’ga (Spring Meetings) ee ay marti geliyaan Hay’adaha lacagta adduunka ee IMF iyo Banging Adduunka.

Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimha mudnaanta u leh Deyn Cafinta, hannaanka Maaliyadda iyo dib eegista dhaqaalaha Adduunka.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa uu kulan muhiim ah la qaatay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in kukankan gaarka ah diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Shirkaan oo lixdii biloodba mar la qabto, waxa sidoo kale ka qeybgalaya madax kale duwan oo ay ka mid yihiin, Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Madaxda Bangiga Adduunka, Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika iyo xubno sare oo kala tirsan Hay’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hay’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa 13-kii bishii December laga cafiyay deymihii lagu lahaa, iyadoo hadda dib-u-habeynta Maaliyadda xoogga lagu saarayo barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo yaqaan HIPC iyo ECF oo IMF iyo Bangiga Adduunka Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqaynayaan kaas oo ah tillaabo muhiim ah deyn cafinta kaddib.

Dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ayaa isku raacay bishii December ee lasoo dhaafay in Soomaaliya laga cafiyo 1.2 bilyan oo dollar oo ah deymaha lagu lahaa, iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.

Lacagta deynta ah ee la go’aamiyay in laga cafiyo Soomaaliya ayaa ka dhigan 99% wadarta guud ee deyntii ay dalalka Naadiga Paris ku lahaayeen Soomaaliya ilaa January 2023.

Naadiga Paris ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan qorshaha Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ula dhaqanto wadamada kale iyo hay’adaha deyn bixiyayaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here