Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa kamida:
Lubnaan -Israel
Waxaa si aad ah u kordhay weerarada u dhaxeeya Xisbullaahi iyo Israel, ee bilaawday bishii October ee lasoo dhaafay, iyada oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo burbir labada dhinac ah.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo dagaalkii dhax maray 2006-dii.
Badda-Cas
Xiisadda ka taagan Badda-Cas ayaa cirka isku sii shareereysa xilli ay Xuutiyiinta Yeman weeraro ku qaadeen Maraakiib ganacsi ee ku socda ama xiriirka la leh Isarel.
Tillaabadan waxaa ka dhashay inuu hakad ku yimaado isku socodka Badda o ah kamida wadooyinka aduunka ugu mashquulka badan ee shidaalka iyo ganacsiga.
Pakistan
Maxkmadda saree e Pakistaan ayaa dhageysatay racfaanka Ra’isul Wasarihii hore ee Pakistan Imran Khan, waxaana suuragal ah in lagu dhawaaqo go,aanka kama danbeesta ah ee kiiskiisa maalmaha soo socda.
Malawi
Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah u fureysa safaaradeeda Israel , iyada oo ay jiran dhalleceyn uga imaanaysa dadka u dhaq-dhaqaaqa xaquuqda aadanha.
Yurub
Shir madaxeedka gaarka ah ee Madaxda Midowga Yurub ayaa maalintii labaad la soo gaba gabaynayaa , waxaana ajanadayaasha ugu muhiimsan ee shirkan ka mid ah arrimaha Ukraine iyo Bariga dhaxe.
Britain
Ra’isul Wasaare Ku xigeenka dalka Ingiriiska ayaa khudbad ka jeedin doona aragtidiisa ku aadan isku dheelitirka kobaca iyo amniga.
Kyrgyzstan
Madaxweynaha dalka Kyrgyzstan Sadyr Japarov ayaa boqoasho shaqo oo 2 malmood ah ku tagi doona dalka ay jaarka yihiin ee Kazakhstan.
Ruushka
Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ruushka ayaa kulan muhiim ah la yeelatay saraakiisha Ciidamada dalalka shisheeye, iyada oo laga wada hadlayo arrimaha ka taagan gudaha iyo dibadda Ruushka
Gaza
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood ka yeelayana xaalada Gaza , iyada oo la filayo in Antonio Gutters uu warbxin dhameystiran siiyo xubnaha u codeynaya qaraarka qabyada ah ee ku talinaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.
Qaraarkan ayaa la filaya in loo codeeyo Khamiista maanta ah iyo Jimcada midood.
Iran
Wasiirka arrimaha Dibadda Iran, Xuseen Amiir ayaa la filayaa inuu u safro magalada New York si uu uga qeyb galo shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya kadib weerarkii Iran ay uga jawaabeysay weerarkii ay Israel ku qaaday billaawgii bsihaan Qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.
Nigeria
Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Nigeria ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan qeylo dhaan ka dhan ah cudur dilaa ah oo dahsoon , kaas oo galaaftay nolosha 50 qof ee ku nool gobolka KANO.
Kenya
Shaqo joojintii ay sameeyeen dhaqaatiirta Kenya ayaa la filayaa inay sii socoto bishii labaad oo xiriir ah, balse maxkmada ayaa ku xukuntay in ay dhaqaatiirta ku laabtaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka ka saaran daryeelka muwaadiniinta.
Turkiga- Tanzania
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho dhiggiisa Tanzaniga, Marwo Samia Suluhu, waxayna ka wada hadli doonaan arrimaha gobolka iyo caalamka iyada oo la filayo inay kala saxiixdaan dhowr heshiis.
Shiinaha
Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa u ambabaxaya dalka kala ah Indonesia, combodia, iyo papua new Guinea, waxaana la filayaa injuu gudoomiyo shirka afaraad ee habka iskaashiga heerka saree ee shiinaha iyo Indonesia.
India
Xog uruurinta doorashada guud ee Hindiya aya billabatay , iyada oo la qorsheynayo in la qabto wajiga kowaad ee codbixinta jimcaha soo socda.