Sunday, May 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn  wararka dunida oo kooban waxaa kamida:

Lubnaan -Israel

Waxaa si aad ah u kordhay weerarada u dhaxeeya Xisbullaahi iyo Israel, ee bilaawday bishii October ee lasoo dhaafay, iyada oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo burbir labada dhinac ah.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo dagaalkii dhax maray 2006-dii.

Badda-Cas

Xiisadda ka taagan Badda-Cas ayaa cirka isku sii shareereysa xilli ay Xuutiyiinta Yeman weeraro ku qaadeen Maraakiib ganacsi ee ku socda ama xiriirka la leh Isarel.

Tillaabadan waxaa ka dhashay inuu hakad ku yimaado isku socodka Badda o ah kamida wadooyinka  aduunka ugu mashquulka badan ee shidaalka iyo ganacsiga.

Pakistan

Maxkmadda saree e Pakistaan ayaa dhageysatay racfaanka Ra’isul Wasarihii hore ee Pakistan  Imran Khan, waxaana  suuragal ah in lagu dhawaaqo  go,aanka kama danbeesta ah ee kiiskiisa maalmaha soo socda.

Malawi

Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah u fureysa safaaradeeda Israel , iyada oo ay jiran dhalleceyn uga imaanaysa  dadka u dhaq-dhaqaaqa xaquuqda aadanha.

Yurub

Shir madaxeedka gaarka ah ee Madaxda Midowga Yurub  ayaa maalintii labaad la soo gaba gabaynayaa , waxaana ajanadayaasha  ugu muhiimsan ee shirkan ka mid ah arrimaha Ukraine  iyo Bariga dhaxe.

Britain

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka dalka Ingiriiska ayaa khudbad ka jeedin doona  aragtidiisa ku aadan  isku dheelitirka kobaca iyo amniga.

Kyrgyzstan

Madaxweynaha dalka Kyrgyzstan Sadyr Japarov ayaa boqoasho  shaqo oo 2 malmood  ah ku tagi doona dalka ay  jaarka yihiin ee Kazakhstan.

Ruushka

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ruushka ayaa kulan muhiim ah la yeelatay saraakiisha Ciidamada dalalka shisheeye, iyada oo laga wada hadlayo arrimaha ka taagan gudaha iyo dibadda Ruushka

Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood ka yeelayana xaalada  Gaza , iyada oo la filayo in Antonio Gutters uu warbxin dhameystiran siiyo xubnaha u codeynaya qaraarka qabyada ah ee ku talinaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto  Qaramada Midoobay.

Qaraarkan ayaa la filaya in loo codeeyo Khamiista maanta ah iyo Jimcada midood.

Iran

Wasiirka  arrimaha Dibadda  Iran,   Xuseen Amiir ayaa la filayaa inuu u safro  magalada New York si uu uga qeyb galo shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya kadib weerarkii Iran ay uga jawaabeysay weerarkii ay Israel ku qaaday billaawgii bsihaan Qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Nigeria

Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee  Nigeria ayaa la filayaa  in ay ku dhawaaqaan  qeylo dhaan ka dhan ah cudur dilaa ah oo dahsoon , kaas oo galaaftay nolosha 50 qof  ee ku nool gobolka KANO.

Kenya

 Shaqo joojintii ay sameeyeen dhaqaatiirta Kenya ayaa la filayaa inay sii socoto bishii labaad oo xiriir ah, balse maxkmada ayaa ku xukuntay in ay dhaqaatiirta ku laabtaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka ka saaran daryeelka muwaadiniinta.

Turkiga- Tanzania

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho dhiggiisa Tanzaniga, Marwo Samia Suluhu, waxayna ka wada hadli doonaan  arrimaha gobolka iyo caalamka iyada oo la filayo inay kala saxiixdaan dhowr heshiis.

Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda  Shiinaha Wang Yi  ayaa u ambabaxaya dalka kala ah  Indonesia, combodia, iyo papua new Guinea,  waxaana la filayaa injuu gudoomiyo shirka afaraad ee habka iskaashiga heerka saree ee shiinaha iyo Indonesia.

India

Xog uruurinta doorashada guud ee Hindiya aya billabatay , iyada oo la qorsheynayo in la qabto wajiga kowaad ee codbixinta jimcaha soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here