Saturday, November 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa la kulmi doona dhiggiisa Jarmalka Frank-Walter Steinmeier si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka, oo ay ka mid tahay xaaladda Marinka  Gaza, iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Labada Madaxweyne ayaa kulanka kadib lagu wadaa in ay warbaahinta u sheegaan arrimaha ay isla meel dhigeen.

GERMANY

Berlin- Hoggaamiyaha Jarmalka  Olaf Scholz ayaa dalkiisa kusoo dhaweyn doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak , iyaga oo isla eegi doona  xiriirka laba geesoodka ah, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

WAQOOYIGA MACEDONIA

Skopje – Dadweynaha Waqooyiga Macedonia ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha hoggaamin doona shanta sano ee socota.

Wareega labaad ayaa la aadi doona 8-da May haddii lagu kala bixiyo wareega koowaad.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika,  Shipokosa Paulus Mashatile ayaa booqasho sadeex maalin ah ku bixinaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika ayaa kala hadli doona madaxda Imaaraadka Carabta xoojinta xiriirka labada dal.

KENYA

Nairobi – Laba bilood oo shaqo joojin ah oo ay dhaqaatiirta Kenya ku jireen ayaa la filayaa in la soo af-jaro kadib markii ay  dowladdu ogolaatay  18 ka mid ah 19-ki qodob ee ay dhaqaatiirtu hore u dalbadeen.

MAURITIUS

Port Louis – Roobab mahiigaan ah  iyo daadad xoogan  ayaa ku qasbay dowladda Mauritius in ay albaabada isagu laabto goobaha waxbarashada, ganacsiga iyo qaar ka mid ah xafiisyada dowladda.

Azerbaijan

Baku – Madaxweynaha Kyrgyzstan Sadyr Japarov ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah ku tagaya Azerbaijan.

Ugu yaraan 10 heshiis  ayaa la filayaa in lay kala saxiixdaan labada dal kadib marka ay labada madaxweyne wada yeeshaan kulan lagu lafa guraayo xoojinta iyo iskaashiga xiriirka laba geesoodka ah.

KAZAKHSTAN

Astana – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK David Cameron ayaa booqasho labo maalin ah ku bixinaya  caasimadda Kazakhstan, taas oo qeyb ka ah socdaal uu ku marayo bartamaha Aasiya.

SHIINAHA

Beijing – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho rasmi ah oo saddex maalin ah ku tagi doona dalka  Shiinaha.

Antony Blinken  waxa uu  la kulmi doonaa dhiggiisa Wang Yi iyo madax kale oo Shiinaha ah inta uu ku sugan yahay Beijing.

PAKISTAN

Islamabad – Madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo booqashadiisa dalka Pakistan  ee qaadatay 3-da maalin.

THAILAND

Bangkok – Ra’iisul wasaaraha Bangladesh Sheikh Xasiina  ayaa booqasho qaadan doonta shan maalin ku tegi doonta Thailand.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay abid ee Ra’iisul wasaare  Bangladesh ah ku tago   Thailand tan iyo markii labada dal ay billaabeen xiriirkooda  diblomaasiyadeed sannadkii 1972.

Labada dal ayaa lagu wadaa in ay kala saxiixdaan shan heshiis oo isagu jira dhinacyada ganacsiga, dal ku galka  iyo dalxiiska.

CIYAARAHA

Liverpool-  Everton iyo Liverpool ayaa caawa isaga hor imaan doona darbiga Merseyside, iyaga oo wada ciyaaraya kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here