Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKİYE

Ankara- Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa la kulmi doona dhiggiisa Indonesia Retno Marsudi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal iyo isbeddellada gobolka, gaar ahaan xaaladda Gaza.

Wasiirada ayaa la filayaa inay shir jaraa’id wada qabtaan.

UK

London – Xuquuqda shaqaalaha ayaa laga xusaa adduunka oo dhan, waxaana magaalooyinka waaweyn ee Yurub ka dhacaya Mudaaharaadyo lagu dalbanayo ilaalinta badqabka shaqaalaha

London – Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa la filaya inuu hortago Baarlmaaanka si uu uga jawaabo su’aalo laga weydiin doono dagaalka ka socda Gaza.

London – Waxaa socda qabanqaabada isku soo baxyo la doonayo in lagu tago xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain si loo diido qorshaha ay xukuumaddiisu ku dooneyso in ay muhaajiriinta u tarxiisho dowladda Rwanda.

UZBEKISTAN

Tashkent – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz ayaa si gaar ah ula kulmaya Madaxweynaha Uzbekistan Shavkat Mirziyoev, Guddoomiyaha Aqalka Sare Tanzila Narbaeva, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamshid Kuchkarov.

Yilmaz ayaa ka qayb galaya barnaamijka kulanka ganacsiga adduunka ee Turkiga.

US

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka qeyb galaya munaasabad ku saabsan ololihiisa doorashada, waxaana la filayaa inuu khudbaddiisa kusoo qaato dagaalka ay Israel ka waddo marinka Gaza.

Washington – Mudaaharaadyada ardyada Jaamcadaha Mareykanka ee lagu taageerayo Falastiin ayaa wali sii socda, iyada oo hal maalin ka hor Boliisku u adeegsaday mudaaharadyaasha awood si loo kala ceyriyo.

Washington – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa isu soo baxyo ku saabsan ololihiisa doorashada ku qabanaya gobollada Wisconsin iyo Michigan.

New York – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya adeegsiga diidmada qayaxan ee Mareykanku kala hor yimid codsiga Falastiin ee xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Ururka shaqaala waynaha Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in uu qabto isu soo baxyo maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, wuxuuna ku baaqaya in shaqaaluhu helaan mushaar wanaagsan oo u dhigma shaqada ay qabtaan.

UGANDA

Kampala – Dowladda Uganda ayaa la filaya in jawaab ka bixiso go’aanka Britain ay cunaqabateynta ugu soo rogtay guddoomiyaha baarlamaanka iyo laba xubnood oo ka tirsan baarlamaanka dalkaas kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

KENYA

Nairobi – Tirada dadka ku geeriyooday fatahaadaha Kenya ayaa gaartay 169 qof, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta ku howlan samata bixinta dadka ay dhibaatadu soo gaaraty, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruhu sii kordho.

KUURIYADA KOONFURTA

Seoul – Kuuriyada Koonfureed ayaa qorsheyneysa in ay muwaadiniinteeda ka mamnuucdo in ay u safraan dalka Haiti kadib markii ay sii xumaatay xaaladda amni ee dalkaas.

HINDIYA

New Delhi – Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa la rajeynayaa inay dhageysato dacwad dib u eegis ah oo ku saabsan ka noqoshada qodobka 370, kaas oo siinaya maqaam gaar ah gobolka Jammu iyo Kashmir ee lagu muransan yahay.
Sannadkii hore, maxkamadda sare ee Hindiya ayaa taageertay sharci ay soo saartay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi 2019-kii kaas oo meesha ka saaray maqaamkii gaarka ahaa ee uu lahaa ismaamulka gobolka Jammu iyo Kashmir.

CIYAARAHA

GERMANY

Dortmund – Borussia Dortmund ayaa la ciyaari doonta caawa kooxda Paris Saint-Germain (PSG) lugta 1-aad ee semi-finalka tartanka UEFA Champions League oo ka dhaceysa garoonka Signal Iduna Park.

Labada kooxood ayaa kulmay horaantii xilli ciyaareedkan, iyada oo PSG ay hore 2-0 uga badisay kooxda Jarmalka ciyaar ka tirsaneyd Group F bishii September, taas oo ka dhacday Paris, laakiin kulankii labaad waxa ay labada koox galeen barbaro 1-1 ah bishii December.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here