Monday, May 20, 2024

Aragti… Teendhadu marnaba eed ma leh!

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamsa ee uu saaka ballan qaaday (30-ka April, 2024) inaan teendhadii habaarnayd lagu laaban doonin waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan.

Hadalkaas wuxuu ka jeediyay isla teendhada Afisyoone iyo daahfurka shir cinwaankiisu ahaa dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay. Balse waxaa is waydiin mudan maxaa tallaabooyin ah oo ay xukuumaddiisu qaaday si lagaga baaqsado teendhada, looguna dareero doorashooyin ka hufan kuwii dadbanaa?

Ku dhawaad labo sano oo uu maamulka Madaxweyne Xasan xafiiska fadhiyo, dalku guddi doorasho oo heer qaran ah maleh, goleyaal deegaan oo ay shacab doorteen marka laga reebo Puntland degmooyin kamid ah mooyaane ma jiraan (doorashadaas lafteedu Villa Soomaaliya waa diidanayd in la qabto), miisaaniyad doorasho oo qof iyo cod loo qabtay haba sheegin, sharciga xisbiyada wali lama bilaabin qabyo tirkiisa, siyaasad loo dhan yahay dalka kama hirgelin oo wataa Puntland loo joojin maayo hadal hayntu noqotay.

Maamullada qaar doorashooyin ayay foolanayaan. Intaas jawaab maloo hayaa? Waa maya!

Waqti lagu qaban karay hawlahaas dowladdu ma haysatay? Haa. Mid waa hubaal ah. Qofna teendhada kuma tago jacayl uu u qabo. Balse, duruufaha ku gadaaman dowlad dhiska Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan khilaafka dastuuriga ah iyo kan siyaasiga ah ee haatan jira ayaa ku arooriya madaxda kuraasta ku fadhida inay teendhada cagajiid ku tagaan.

Madaxweyne rabitaankiisa meeshaas ku tagay hore ayaa loo waayay ee teendhada hala waasiciyo, qaboojiyeyaal halagu sii xiro, kuraas salka u roon oo sacaado badan la fadhin karo halagu xiro, riinji iyo sharraxaad fiicanna halagu qurxiyo ama almiino dhisma wayn oo shub ah halaga dhigo haddiiba aan iyada la huri doonin.

Teendhadu marnaba eed maleh!

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here