Friday, October 18, 2024

Warbixinta Wasaaradda Deegaanka ee arrimaha roobka

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray roobabkii ka da’day gobollada dalka saddaxdi todobaad ee lasoo dhaafay.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in roobabkii ugu xoogganaa ay ka da’een deegaanada soo socda;

𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐥𝐞: Beledweyne, Jalalaqsi, Jowhar (144mm)

𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠: Galkacyo, Dhuusamareeb iyo Hobyo (128.7mm)

𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝: Galdogob, Garoowe iyo Boosaaso: (128.7mm)

𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝: Gedo; Baardheere, Doolow, Garbahaarey: (110mm)

Warbixinta Wasaaradda ayaa intaas ku daratay in 5-ta May ilaa 12-ka May la filaayo in roobab u dhaxeeya 𝟓𝟎𝐦𝐦 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟏𝟐𝟎𝐦𝐦 ay ka da’aan magaalooyinka kala duwan ee dalka.

𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝: Jilib, Kismaayo, Afmadow, Bu’aale, Badhaadhe (100-120mm)

𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝: Eyl, agagaarka Garoowe, iyo dhanka Boosaaso (50-100mm)

𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝: Baydhabo, Xuddur (50-100mm)

Digniinta Wasaaradda

Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbeddelka Cimiladu waxa ay digniin u dirtay dadka deggan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada kuwaas oo loogu baaqday in ay ka dheeraadaan goobahaas kadib markii uu kor u kacay cabirka wabiga Shabeelle ayna ku dhawdahay inuu sameeyo fatahaado xoogan.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo in ay da’aan bilaha April ilaa June waxa ay saameyn ku yeelan doonaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay kala shaqeyneyso mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada loogu jiro diyaar garowga wax looga qabanayo cudurada ka dhalan kara fatahaada, waxaana loo qorsheeyay lacag dhan $5.9 milyan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here