Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo ka digtay in Turkigu usoo diro xeebaheeda maraakiib dagaal

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa ka digtay in Turkigu u soo diro maraakiibtiisa dagaal xeebaha Soomaaliya gaar ahaan qeybaha hoos taga maamulka Somaliland, waxeyna caddeysay in heshiiska militariga iyo iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Soomaaliya uusan khusayn Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud, ayaa yiri “ Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in Somaliland ay heshiis dhanka badda ah la gashay dowladda Itoobiya kaas oo ah mid ay dan ugu jirto labada dhinac, wuxuuna ku eedeyay dowladda Soomaaliya iyo madaxdooda in ay fara gelin qaawan ku hayan arrimaha gudaha ee Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga uu soo aaray Dekadda Muqdisho, kaas oo qeyb ka ahaa fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dal ee ku saabsanaa ilaalinta amniga iyo xasiloonida xeebaha Soomaaliya iyo iskaashga dhanka difaaca.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis toban sano ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo o ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya kuna dhiseyso ciidan dhanka badda ah oo awood u leh in ay ilaaliyaan xeebaha dalka.

Heshiiskas ayaa dhacay hal bil kadib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland, kaas oo suurta gelinya in ay hesho 20 km oo xeebaha Soomaaliya ah.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Dowladda Turkigu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here