Thursday, September 19, 2024

James Swan oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

” Swan waxa uu diiradda saari doonaa sidii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa arrimaha hortebinta u leh ee dhinacyada nabada, amniga iyo dowlad-dhiska” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabistiisa James Swan 14-kii May, wuxuuna kulamo ballaaran la qaatay madaxda Qaramada Midoobay, inta uusan u soo safrin Soomaaliya.

James Swan ayaa horay u soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2022, isaga oo muddo dheer ka soo shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda ee Mareykanka.

Horraantii bishan, dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay, ku codsatay in aan dib loo cusubooneysiinin shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.

Codsigan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here