Monday, July 15, 2024

M/W Somaliland oo sheegay in heshiiska Itoobiya uu baajin karo weerarada Badda Cas

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska muranka dhaliyay ee ay qayb ka mid ah badda uga ijaarteen dowladda Itoobiya inuu baajin karo weerarada Badda Cas ee ka dhanka maraakiibta ganacsiga.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii, balse ku guul-darraysatay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay muddo dheer raadinaysay, ayaa bishii January ee sannadkan la saxiixatay Itoobiya heshiis dhanka badda ah oo ay uga bedelanayso aqoonsi.

Heshiiskas waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in aysan jirin cid awood u leh in ay saxiixdo taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in heshiiska Itoobiya uu ogolaanayo in Somaliland ay ka qayb qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo xorriyadda socdaalka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, halkaas oo maraakiibta marta ay weeraro isdaba joog ah kala kulmaan kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Biixi ayaa tilmaamay in qorshaha Itoobiya ee dhulka ku xeeran Berbera uu yahay in ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan oo gacan ka gaysanaya ka hortagga khataraha badda.

“Itoobiya waxay badda ka dhisan doontaa saldhig ciidan, waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay na siin doontaa aqoonsi. Nuxurku waa intaas” ayuu yiri Biixi .

Biixi ayaa intaas raaciyay in heshiiskan uu ka dhigan yahay tillaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo riyada gooni isu taagga Somaliland, wuxuuna yiri; “Heshiiska taariikhiga ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu noo furi doonaa waddo cad oo loo maro aqoonsiga caalamiga ah,”.

Itoobiya waxay baddeedi lumisay 1993-kii kadib markii ay kala go’een Eritrea, waxayna u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkastoo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar – oo ay ku muransan yihiin biyo xireenka weyn ee Nile-ka Buluugga ah – ay dhammaantood ka digeen in tillaabada Itoobiya ay sii hurin karto colaadda gobolka oo markii hore la daalaa dhacayay dagaallo kala duwan.

Sarkaal sare oo ah Itoobiyaan kana qayb qaatay wada-hadallada Somaliland ayaa sheegay inuu ku rajo weynyahay in heshiiskan uu hirgalo, isagoo ku tilmaamay siyaasad dhab ah oo lama huraan ah..

Dhanka kale, Cumar Maxamuud oo ka faallooda xasaradaha Bariga Afrika ayaa aaminsan in Itoobiya aysan ka tanaasuli doonin ka mira dhalinta heshiiska inkasta oo ay la kulantay falcelin diidmo ah.

Shiinaha, Ruushka, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale doonaya inay ballaariyaan joogitaankooda Geeska Afrika, oo ah gobol faqiir ah, balse ay ku yaallaan dowlado leh istiraatiijiyad muhiim, sida Soomaaliya iyo Jabuuti.

Somaliland waxa ay 300 milyan oo dollar ka heshay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo lagu maalgelinayo Berbera taas oo ka dhigan qiyaastii %75 dakhliga Somaliland.

Ujeedka maalgashiga ayaa ah in Berbera ay noqoto xarunta ganacsi ee gobolka, waxeyna Imaaraadku sidoo kale gacanta ku hayan garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo ay ka dhiseen saldhig ciidan.

Somaliland waxay leedahay ciidan u gaar ah, Baarlamaan la soo doortay, waxeyna daabacataa lacag u gaar ah iyo baasaboor. Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkey, Ethiopia iyo Taiwan ayaa dhamaantood ku leh xafiisyo, iyada oo ay intaas jirto hadana Muqdisho waxay u aragtaa inay si buuxda uga tirsan tahay Soomaaliya, Somaliland-na si rasmi ah aqoonsi uguma helin hal dowlad.

Biixi oo ahaa duuliye hore oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya, iskuna rogay dagaalyahan ka tirsan mid ka mid ah jabhadihii kasoo horjeeday dowladda ayaa u taagan doorashada madaxtinimo ee bisha November, wuxuuna ku adkaysanayaa in muwaadiniinta Somaliland ay taageeraan heshiiska lala galay Itoobiya ee aan laga haynin faahfaahin dheeraad ah.

Heshiiska ayaa gudaha (Somaliland) kala kulmay diidmo, iyada oo magaalooyinka qaar laga dhigay mudaaharaad looga soo horjeedo, waxaana xilka iska casilay wasiirkii Gaashaandhigga.

Qaar ka mid ah caasimadaha caalamiga ah ayaa cabsi ka qaba in heshiiskan uu keeni karo khilaaf cusub oo ka dhaca gobolka oo ay ka jiraan colaado hubaysan. Soomaaliya waxa ay muddo dheer dagaal kula jirtaa kooxda Al-Shabaab, halka Itoobiya ay la daalla dhaceyso dagaal sokeeye oo galaaftay nolosha dad badan.

Washington oo xulafo la ah Muqdisho waxa ay walaac ka muujisay heshiiska, waxeyna u aragtaa in uu carqalad ku yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, inkasta oo Muuse Biixi uu ku tilmaamay arrintaas wax aan sal iyo raad lahayn.

Bixii ayaa doonaya inuu hoos u dhigo xurgufta kala dhaxeysa Soomaaliya, isaga oo sheegay in dagaal dhex mara labada dhinac uu yahay mid aan macquul aheyn. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in heshiiskan uu gacan ka gaysanayo ka hortagga khilaaf kasta oo suurtagal ah inuu dhax maro Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo ku saabsan baahida ay Itoobiya u qabto in ay hesho bad.

Muuse Biixi ayaa yiri; “Waxa aynu ka shaqaynaynay in caalamku aqoonsado maqaamkeena madaxbanananida in ka badan 33 sano. Diyaar ayaan nahay.”

Xigasho: Financial Times

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here