Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
US
Washinton – Dowladda Mareykanka ayaa wadda qiimayn ay ku sameyneyso weerarkii Israel ay ku qaaday xero qaxooti oo ku taal magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza, Axaddii lasoo dhaafay.
Mareykanka ayaa hore ugu digay Israel in ay howlgal ballaaran ka sameyso Rafax, wuxuuna Madaxweyne Biden ugu hanjabay in laga joojin doono Isarel qayb ka mid ah hubka la siiyo.
New York- Waxaa magaalada New York lagu soo gaba gabeeyay doodaha dacwadda lagu soo oogi doono madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo wajahaya 34 dacwadood oo la xiriira ku lug lahaanshaha in uu lacag siiyay Stormy Daniels intii lagu jiray ololihiisii madaxtinimada ee 2016-kii.
IRELAND, SPAIN, NORWAY
Dublin/Madrid/Oslo – Aqoonsiga dowladaha Norway, Ireland iyo Spain ee Falastiin ayaa hirgelaya maanta oo ku beegan 28-ka May.
Falastiin waxaa hore dowlad ahaan u aqoonsanday marka la eego qaaradda Yurub 8 dowladood oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden
DENMARK
Copenhagen- Xildhibaanada Denmark ayaa lagu wadaa in ay ka doodaan hindise ku saabsan aqoonsiga dowladnimada Falastiin.
GERMANY
Paris – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo Talaada ah soo gabagebeynaya booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogay Jarmalka.
UK
London – mudaaharaadyo ayaa ka socda magaalada London, iyada oo dadka isku soo baxay ay kasoo horjeedaan weerarka ay dad badan ku dhinteen ee ay Israel ku qaaday magaalada Rafax.
TÜRKIYE
Ankara – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shir guddoomin doona shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada ee magaalada Ankara.
PAPUA NEW GUINEA
Port Moresby – Hawlgallada lagu baadi goobayo in ka badan 2000 oo qof oo dhulku la go’ay jimcii lasoo dhaafay ayaa ka socda dalka Papua New Guinea.
Tirada dhimashada ayaa laga casbi qabaa inay sii kororto, iyada oo ay sii yaraanayso rajadii laga qabay in la helo dad badan oo badbaaday.
Papua New Guinea waa jasiirad ay ku noolyihiin ku dhawaad 10 milyan oo qof, waxeyna ku taal koonfurta badweynata Pacific-ga.
KOONFURTA KUURIYA
Seoul – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya Kuuriyada Koonfureed, isaga oo noqon doona madaxweynihii Imaaraadka ee ugu horreysay ee dalkaas ku taga booqasho.