Thursday, September 19, 2024

Doorashada Iran..Axmedinejad oo markale u tartamaya madaxtinimada

Tehran (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Iran, Maxamuud Axmedinejad ayaa warqadihiisa musharaxnimo u gudbiyay guddiga doorasahda madaxtinimada ee dalka Iran.

Waxa xusid mudan in Axmedinejad uu hore u soo qabtay madaxtinimada dalkaas laba xilli oo xiriir ah, isaga oo doorashadii 2005-tii kaga guulaystay Hashemi Rafsanjani, ka dibna wuxuu markale 2009-kii ka guuleystay musharrixii isbedel doonka ahaa ee Mir-Hossein Mousavi.

Ilaa iyo hadda 17 musharrax ayaa soo gudbiyay codisgooda ku aaddan in ay u tartamayaan doorashada madaxtinimo ee la qabanayo dhamaadka bishan June.

Labo maalmood oo kaliya ayaa ka hartay muddada loo qabtay in musharrixiintu soo gudbiyaan codsiyadooda, waxaana la filaya in tiradu intaas kasii badato.

Musharrixiinta ugu cad cad waxaa safka hore uga jira Cali Larijani oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Shuurada iyo Siciid Jalili oo ahaa xoghayihii hore ee Golaha amniga qaranka, waana laba magac oo miisaan culus ku leh siyaasaadda dalkaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuter, Taliyihii hore ee ilaalada kacaanka Iran, Vahid Haqqanian, ayaa suurta gal ah inuu iso soo taago madaxtinimada dalkaas.

Guddiga doorashada Iran ayaa hore u shaaciyay in doorashada la qaban doono 28-ka June, iyada oo madaxweynaha la doorto la caleema saari doono 8-da July.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here