Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Duullaanka Israel ee Magaalada Gaza ayaa galay maalintii ​​240-aad, iyadoo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​36,400 oo Falastiiniyiin ah, halka tirada dhaawacantay ay ka badan tahay 82,400 oo qof.

Weerarada ciidamada Israel ay ka wadaan magaalada Rafax ee koonfurta Gaza ayaa sidoo kale sii socda, iyadoo ciidamada Israel ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta marinka Philadelphi Corridor, kaas oo kala qaybiya marinka Gaza iyo Masar.

Ramallah – Dhanka Daanta Galbeed, waxa ay Israel ku dishay tan iyo 7-dii October, ugu yaraan 520 Falastiiniyiin, iyada oo dhaawac soo gaaray 5,000 oo kale, waxaana xabsiga loo taxaabay 8,975 qof.

ISRAEL

Tel Aviv – Mudaaharaadyada ka socda socda gudaha Israel ayaa sii xogeysnaya, waxeyna dadweynuhu dalbanayaan in la joojiyo dagaalka iyo in la is dhaafsado maxaabiista ay kala haystaan Israel iyo Xamaas.

MASAR

Qahira – Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis la isku dhaafsado maxaabiista iyo xabbad joojin ka hirgasha Gaza, iyada oo la raacayo hindisaha cusub ee Mareykanku ku dhawaaqay.

Mas’uuliyiin ka kala socda Masar, Mareykan iyo Israel ayaa maanta kawada hadalaya in dib loo furo marinka Rafax, waxeyna Masar ku adkaysaneysa in Israel kala baxdo ciidamadeeda magaalada Rafax.

PAKISTAN

Karachi – Magaalada Karachi ee dalka Pakistan waxaa maanta lagu qabanaya mudaahraad ballaaran oo lagu muujinayo garab istaagga shacabka Falastiin.

IRAN

Tehran- Madaxweynihii hore ee Iran, Maxamuud Axmedinejad ayaa warqadihiisa musharaxnimo u gudbiyay guddiga doorasahda madaxtinimada ee dalka Iran.

Waxa xusid mudan in Axmedinejad uu hore u soo qabtay madaxtinimada dalkaas laba xilli oo xiriir ah, isaga oo doorashadii 2005-tii kaga guulaystay Hashemi Rafsanjani, ka dibna wuxuu markale 2009-kii ka guuleystay musharrixii isbedel doonka ahaa ee Mir-Hossein Mousavi.

Ilaa iyo hadda 17 musharrax ayaa soo gudbiyay codisgooda ku aaddan in ay u tartamayaan doorashada madaxtinimo ee la qabanayo dhamaadka bishan June.

TURKIYE

Ankara- Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho rasmi ah ku tegaya dalka Shiinaha 3-da ilaa 5-ta bishan June kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Wang Yi.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Hakan Fidan ku tagao Shiinaha tan iyo markii loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here