Saturday, November 23, 2024

Dowladda oo Musuq ku tuhunsan Shirkadaha Maamula Dekadda iyo Garoonka

Warbixinta maaliyadeed ee sanadlaha ah ee Hantidhowrka Qaranka sanadka 2022 ayaa shirkadaha Fivori LLC iyo Albeyrak ku eedeysay inaysan raacin habraacyada lagu caddeynayo dakhliga soo gala ee ku xusan heshiiska dheef-wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada Shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maamulayay garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho ku dhowaad 10 sano. Warbixinta cusub ee Hantidhowrka ayaa far muuqeysa in shirkadahan ay ka been sheegeen dakhligooda si ay u yareeyaan qoondada dowladda ku yeelan lahayd dheefta.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay xaq u leedahay in ay hesho 25% dakhliga ay qabato shirkadda Favori LLC, sidaas oo kale heshiiska dheef wadaagga ah ee labaad ee Dowladda Soomaaliya la gashay Albayrak, waxa ay xaq u leedahay dowladdu in ay hesho 62.17 % dakhliga ay qabato shirkadda Albayrak” ayaa lagu xusay warbixinta oo markii ugu horreysay shaacineysa qoondada ay dowladdu ku leedahay heshiiskan.

Isku celceliska dakhliga dowladdu ka heshay labada shirkadood sanadka 2022 waa 32,442,286.00, oo u kala qeybsan Albayrak: US$29,332006.00, iyo Favori US $3,110,280.00. taas oo aad uga hooseysa odoroska dhaqaale yahannada iyo khubarada dowladda kala taliya dhaqaalaha. Hanti dhowrku waxa uu xusay in uu faahfaahin dheeraad ah uga baahan yahay dakhliga iyo kharashka shirkadahan.

Dowladda ayaa dadaal ugu jirta kordhinta dakhliga gudaha, si ay u gaarto isku filnaansho ay kaga kaaftoomi karto kaalmada kabka miisaaniyaddeeda oo la filayo inay istaagto ama yaraato marka Soomaaliya laga cafiyo deymaha dhammaadka sanadkan.

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale yeelan kare saameyn aan wanaagsaneyn oo ku timaada siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, maadaama shirkadaha warbixintu xustay laga leeyahay dalka Turkiga oo dhinacyo abdan oo uu ammaanku ku jiro ka caawiso dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here